Nayjeeriya oo Dalkeeda Ka Hakisay Adeegsiga Twitter-ka

Nayjeeriya

Xukuumadda dalka Nayjeeriya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday

 Xukuumadda dalka Nayjeeriya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in dalkeeda ay ka hakisay adeegsiga Twitter-ka nayjeeriya oo ah dowladda ugu dadka badan Afrika ayaa tallaabadan qaadday kaddib markii bartaasi ay Arbacadii tirtirtay qoraal kooban oo uu madaxweyne Mohammadu Bahara soo dhigay Twitter ayaa qoraalka madaxwenaha ee ay tirtirtay ku sababeysay in uu baalmarsanyahay xeerka u yaallo barta

Wasaaradda warfaafinta Nayjeeriya ayaa sheegtay 

Wasaaradda warfaafinta Nayjeeriya ayaa sheegtay in adeegsiga bartaas ay ka hakisay dalkeed muddo aan la cayimin wasaaradda ayaa sheegtay in Twitter ay leedahay xeerar u gaar ah hase yeeshee uu madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu ka hadlo waxa dalka ka dhacaya wasaaradda ayaa barta Twitter ku eedeysay in ay la dhacsantahay qoraallada hoggaamiyeaasha gooni u goosadka ah ee ka howlgala koofur bari Nayjeeriya

Sidoo kale waxay farta ku godday garab istaaggii dhaqaale

Sidoo kale waxay farta ku godday garab istaaggii dhaqaale ee ay shirkaddu muujisay xilligii ay socdeen dibad-baxyada ka dhanka ah booliska marka labadaasi arrimood la isu geeeyo wasaaradda ayaa tuhumo gelisay ujeedka dahsoon ee shirkadda ay ka leedahay dalka Nayjeeriya

Bishii November ee sanadkii 2019 kii ayay ahayd markii xukuumadda Nayjeeriya ay qaadday tallaabooyin qallafsan oo ay ku nidaaminayso warfaafinta dalkaas kagaga hortageyso marin habaabinta baraha bulshada taas oo ay bulshada dalkaasi u arkeen in ay tahay tallaabo lagu cabburinayo xorriyadda hadalka

Post a Comment

0 Comments