Dahabka oo maanta jooga qiimihii ugu sareeyay sanadkaan iyo waxa la saadaalinayo 2026

Dahabka

Qiimaha dahabka 28-dii gram ayaa gaartay rikoor cusub

 Qiimaha dahabka 28-dii gram ayaa gaartay rikoor cusub, iyada oo qiimaheedu gaartay $4,400 oo doolar 22, December 2025 halka (silver) sidoo kale ay korortay 3.2%, iyada oo gaartay rikoor cusub oo ah $69.35 ka dib go'aankii hoos u dhigidda dulsaarka ee Bangiga Dhexe ee Maraykanka (Fed) usbuucii hore, rajada hoos u dhigidda dulsaarka dheeraad ah ayaa ka qayb qaadatay kororka qiimaha dahabka iyo lacagta

Qiimaha dahabka ayaa si weyn u kordhay intii lagu jiray 2025

Qiimaha dahabka ayaa si weyn u kordhay intii lagu jiray 2025. 18-kii Agoosto, halkii (ounce) oo u dhiganta 28 garaam dahab ah ayaa gaartay $3,333, laakiin laba bilood gudahood wuxuu gaaray rikoor cusub oo ah $4,381, taas oo maalgeliyeyaasha siisay 30% faa'iido waqti gaaban gudaheed koror sidan oo kale ah oo la arko ayaa ugu dambeysay in la arko sanadkii 1979

Ka dib hoos u dhac degdeg ah dhammaadkii Oktoobar

Ka dib hoos u dhac degdeg ah dhammaadkii Oktoobar iyo bilowgii Nofembar, markii uu ka hooseeyay $4,000 halkii (ounce), qiimaha dahabku wuxuu mar kale bilaabay inuu kaco dhammaadkii Nofembar dhaqaale-yaqaannadu waxay sheegayaan in rajada sii xoogaysanaysa ee ah in bangiga dhexe ee Maraykanka, Fed, uu hoos u dhigi doono dulsaarka ay door ka ciyaartay kororkan Wariyaha ku takhasusay arrimaha badeecadaha ee Reuters, Clyde Russell

Wuxuu intaa ku daray in iibsashada bangiyada dhexe ee adduunka iyo dadka u jeedada sanduuqyada maalgelinta ee dahabka lagu taageero ay yihiin labo sababood oo kale oo muhiim ah khabiirada ayaa sheegaya in ay jiraan sababo badan oo qiimaha dahabku isu beddelay ka dib markii uu gaaray rikoor cusub Oktoobar. Mid ka mid ah waxa uu ahaa in maalgeliyeyaashu iibinayeen si ay faa'iido u qaataan hoos u dhacaas, oo yimid isla markiiba ka dib rikoorka cusub

Waxaa sidoo kale saameeyay iibsi xad dhaaf ah maalmaha ka horeeyay Rhona O'Connell, falanqeeye ka tirsan shirkadda talo-bixinta maalgashiga ee Maraykanka ee StoneX, ayaa u sheegtay Reuters, "Saxid sidan oo kale ah waxay ahayd mid loo baahnaa, laakiin xilliyada hubanti la'aanta caalamiga ah ee sida weyn u jirta, hoos u dhacyadan waxaa u badan in loo arko fursado cusub oo iibsi

Post a Comment

0 Comments