Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay howlgal laga fuliyay gobolka Baay

Kooxda Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab 

 Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay hpwlgal qorshaysan oo lagu beegsaday kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la sheegay in ciidamadu mudo ku raad joogeen

Kuwaas oo diyaarinayay weeraro is qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo 

Kuwaas oo diyaarinayay weeraro is qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 22 xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay dhamaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada u siday

Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen

Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo 72-kii saacadood ee lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Post a Comment

0 Comments