Tababaraha Benfica, Jose Mourinho
Tababaraha Benfica, Jose Mourinho, ayaa ka hadlay go’aanka Manchester United ay xilka kaga qaadday Ruben Amorim Mourinho wuxuu aaminsan yahay inuusan si buuxda u falanqayn karin xaaladda, maadaama Amorim kaliya uu sharxi karo sababta ay Red Devils u eryeen Kooxda Premier League-ga ayaa shaqada ka cayrisay tababaraha 40-jirkan Isniintii
Waxayna hadda raadinayaan tababare ku-meel-gaar ah
Waxayna hadda raadinayaan tababare ku-meel-gaar ah Mourinho, oo hore u soo tababaray Manchester United, ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadista Amorim aysan caqabad ku noqon doonin fursadaha shaqo ee tababarayaasha kale ee reer Portugal
Waxa ku dhacay Ruben waa arrin Ruben kaliya
Waxa ku dhacay Ruben waa arrin Ruben kaliya uu falanqayn karo, waana aaminsanahay inuu sidaas sameyn doono, isaga iyo shaqaalihiisaba markii la weydiiyay in eryidda Amorim ee United ay saameyn taban ku yeelan doonto rajada shaqo ee tababarayaasha kale ee Portuguese-ka ah, Mourinho wuxuu ku jawaabay
Ma fahmayo sababta ay sidaas u noqon lahayd, balse tababare kasta isagaa ka jawaabi doona arrintiisa Aniga ahaan, maya, sidaas uma dareemayo

0 Comments