Maraykanka oo hakiyay dhammaan kaalmadii uu siin jiray Dowladda Soomaaliya

Maraykanka

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka 

 Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan kaalmadii Mareykanka ee la siin jiray dowladda Soomaaliya, iyadoo ku sababeeysay dhacdo lagu eedeeyay in mas’uuliyiin dalka ka tirsan ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), isla markaana ay la wareegeen 76 tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul

Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad dulqaad-la’aan ah

Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad dulqaad-la’aan ah oo ka dhan ah khasaarinta, xatooyada iyo marin-habaabinta gargaarka naf-badbaadinta ah,” ayay waaxdu ku tiri qoraal ay ku daabacday barta bulshada ee X Maraykanku wuxuu sannadkii hore ku deeqay in ka badan 2 bilyan oo doolar Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), oo ah hay’adda ugu weyn ee bini’aadantinimo ee caalamka

Taasoo gargaar cunto degdeg ah siisay malaayiin qof

Taasoo gargaar cunto degdeg ah siisay malaayiin qof oo ay saameeyeen dhibaatooyin kala duwan sida gaajo, colaado ama masiibooyin dabiici ah WFP ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ka digtay in ay sii xumaanayso qalalaasaha gaajada, taas oo qeyb ahaan ay sabab u tahay dhimista maalgelinta, taasoo keentay in gargaar yar la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed isla markaana ay kordhaan heerarka nafaqo-darro

Lama oga inta kaalmada dheeraadka ah ee ay saameyn karto hakintaasi ama muddada ay socon doonto dib-u-bilaabista kaalmada waxay ku xirnaan doontaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadato mas’uuliyadda ficilladeeda aan la aqbali karin isla markaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo wax-ka-qabasho ah,” ayay waaxdu hadalkeeda ku dartay

Go’aanka maamulka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada hadal ahaan iyo siyaasad ahaan loogu qaadayo muhaajiriinta Soomaaliyeed, oo ay ku jirto hadal uu Madaxweyne Trump jeediyay bishii December, isagoo sheegay in ay “si buuxda ula wareegeen mar la oran jiray gobolka weyn ee Minnesota,” kaddib fadeexad la xiriirtay musuq-maasuq ballaaran oo ka dhacay adeegyada bulshada

Trump ayaa dhammaadkii bishii November soo afjaray ilaalin sharciyeed oo ku meel gaar ah oo ay lahaayeen Soomaalida ku nool Minnesota, isagoo ku doodaya in gobolkaasi noqday xarun lagu sameeyo falal lacago lagu dhaqo oo khiyaano ah

Post a Comment

0 Comments