Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ka Digtay Burburin lagu haayo Dhulkeeda ku yaala Degmada Hodan

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)

 Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay digniin sharci oo ku saabsan burburin ka socota dhulkeeda ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sida ay Jaamacadda kusoo saartay war-saxaafadeed ayaa waxa ay ku sheegtay in falalka burburinta ah ee lagu hayo dhulka Jaamacadda, oo ay ku jiraan adeegyada ardayda iyo gurigii guddoomiyaha, inay yihiin sharci-darro

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in Jaamacaddu

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in Jaamacaddu qaadayso dhammaan tallaabooyinka sharci ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo xuquuqdeeda milkiyadeed, loogana hortago in dhulkaas si sharci-darro ah loo isticmaalo loona xalaaleeyo magacyo aan wax xiriir ah la lahayn dhulka Jaamacadda

Maamulka Jaamacaddu wuxuu qaadayaa dhammaan

Maamulka Jaamacaddu wuxuu qaadayaa dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon si loo ilaaliyo xuquuqda milkiyadeed ee Jaamacadda, loogana hortago falalka sharciga baalmarsan oo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka Jaamacadda magacyo loola baxay sida guryihii xisbiga iyo xaruntii hanti-wadaagga oo aan wax raad ah ku laheyn dhulka Jaamacadda" ayay ku tiri warka ay Jaamacadda soo saartay

Jaamacadda ayaa ugu dambeeyn waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in aysan ku kadsoomin wax ganacsi ah oo ku saabsan dhulkaas, islamarkaana ay ka taxadaraan in aan lagu khaldamin hawlo sharci-darro ah

Post a Comment

0 Comments