Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay dilka Horjooge Cabdullaahi Wadaad

Dowladda Fedaraalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya 

 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Axmed Macallin Fiqi ayaa sharaxaad ka bixiyay howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose Wasiir Fiqi ayaa sheegay in horjoogaha lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo loo yaqiinay Cabdullaahi Wadaad lagu dilay howlgal ay ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Kuunya Baroow

Horjoogahaan ayuu tilmaamay Wasiir Fiqi

Horjoogahaan ayuu tilmaamay Wasiir Fiqi inuu ahaa shaqsi muddo dheer dhibaato badan ku hayay nabadgelyada iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu kooxda u qaabilsana dhanka Baada Horjoogahaan laga soo bilaa 2017 ilaa xiligan wuxuu Khawarijta u qaabilsana dhanka Baada ee gobolka Banaadir 

Wuxuu dhibaateeyay ganacsato badan oo uu ka dambeeyay

Wuxuu dhibaateeyay ganacsato badan oo uu ka dambeeyay dilkooda, qaar dartiis bay dalka uga carareen, wuxuu sidoo kale ka dambeeyay qaraxyo lagu burburiyay goobo ganacsi oo ku yaala Muqdisho" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in labadii todobaad ee u dambeeysay jab aysan kasoo kabsan karin kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay deegaanada kala Ceel dheer, Wargaadhi, Jabad Godane iyo Kudhaa, kuwaas oo ka kala tirsan gobolada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Post a Comment

0 Comments