Dagaal culus oo ciidamada iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaal Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya weerar qaraxyo

 Warar dheeraad ah ayaa laga helaya weerar qaraxyo xoogan ku bilaawday oo saakay aroornimadii hore kooxda Al-shabaab ku qaaday xero ciidanka xoogha dalka ku leeyihiin duuleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe dagaalka Al-shabaab iyo ciidanka xoogga dalka ku dhexmaray duuleedka degmada Warsheekh ayaa lasoo wariyay inuu ahaa kii ugu xoogana ee ka dhaca halkaas

Waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka

Waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan dagaalka oo socday mudo ku dhaw sadax sacaadood ayaa wararku sheegayaan inuu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa qorool ay ku baahiyeen

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa qorool ay ku baahiyeen barahooda internet ka ku sheegtay iney la wareegeen xerada ciidanka dowladda ee weerarka culus ay kula jarmaadeen aroornimadii hore ee saakay

Ma jirto war madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab, mana jiro wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalka culus ee saakay ka dhacay duuleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Post a Comment

0 Comments