Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed
Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo duqeyn aheyd ka fuliyay degmada Bu'ale ee gobolka Jubbada Dhexe howgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaala degmada Bu'ale oo uu shir uga socday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab
War kooban oo kasoo baxay Taliska hay'ada NISA
War kooban oo kasoo baxay Taliska hay'ada NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ee uu shirka u socday, hayeshee warka NISA laguma sheegin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah
Waxaa jira khasaare dhimasho ah oo soo gaaray
Waxaa jira khasaare dhimasho ah oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale ,iyadoo sidoo kale burbur uu ku yimid gaadiid iyo hub kale" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA
Warka kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay kooxdu laheyd, islamarkaana wali ay socoto aruurinta xogta khasaaraha dhabta ah ee howlgalkan duqeynta ahaa ka dhashay

0 Comments