Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal dhinaca cirka ah
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal dhinaca cirka ah oo Xalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ka fuliyeen deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday goobo Al-shabaab kasoo abaabuli jirtay qaraxyada iyo weerarada lagu dhibaateeyo dadka shacabka
Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalkaasi kooxda looga dilay ilaa 17 xunbood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu xusay in howlgalkan duqeynta ahaa lagu gebi ahaanba la burburiyay hub iyo gaadiid
Kooxdu u adeegsan jirtay falalkooda guracan oo ay ku dhibaateeyaan
Kooxdu u adeegsan jirtay falalkooda guracan oo ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalo si joogta mudooyinkii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga wadeen deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe

0 Comments