Joojinta heshiisyada waxay wiiqayso amniga somalia
Joojinta heshiisyada waxay wiiqayso amniga Soomaaliya waxayna muujineysaa in ujeeddada dhabta ah ay tahay in laga saaro la-hawlgalayaasha dhexdhexaadka ah go'aanka golaha wasiirrada dawladda federalku ay gaareen, wuxuu sii fogeeyay rajadii laga qabay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada tashadaan arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horrayso midnimada dalka
Isla go'aanku wuxuu hadal afka baarkiisa ah
Isla go'aanku wuxuu hadal afka baarkiisa ah ka dhigay gogashii uu aqbalay dhigiddeeda madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, taasoo awalba ahayd mid aan kalsooni badan lagu qabin go'aankani wuxuu si isku mid ah u sii fogaynayaa, una sii xirayaa albaabadii wada-hadal ee maamullada Somaliland, Puntland iyo Jubaland, waana cuna-qabatayn hor leh oo dawladda federaalku sii saartay maamulladaa
Tallaabadaani waxay dawlada Somalia ku waajibinaysaa
Tallaabadaani waxay dawlada Somalia ku waajibinaysaa wixii adduun dhaqaale iyo maalgashi uga baxay Soomaaliya 10kii sano ee ugu dambeeyey ama hadba heerka dhaqaale ee u dhigma khasaaraha ka dhalan kara aragtidayda go'aankani wuxuu Somaaliya u gaysanayaa dhibaato weyn oo amni, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kumana dhisna aragti durugsan oo laga baaraan-degay
Go'aankani wuxuu si wax ku ool ah u dhigayaa Soomaaliya xero ka soo horjeeda geeddi-socodka nabadda gobolka, isagoo la jaanqaadaya hadallada fikirka ah ee diidaya iskaashi kasta oo lala yeesho waddamada ku lugta leh Heshiiskii Ibraahim kicinta tooska ah ee waxa hoos ka riixaya dowladaha Sacuudiga iyo Turkiga
Waqtiga iyo baaxadda go'aanka ayaa ku soo beegmaya olole kicin goboleed oo ay hoggaaminayaan Sacuudi Carabiya iyo Turkiga si ay dib ugu qaabeeyaan xulafada una xalliyaan dhibcaha siyaasadeed iyagoo ku kacaya Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda dhabta ah


0 Comments