Martin Keown Oo U Sheegay Barcelona Waxa Ay U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Champions League.

Martin Keown

Martin Keown ayaa magacaabay saxiixa ay Barcelona

 Martin Keown ayaa magacaabay saxiixa ay Barcelona u baahan tahay inay sameyso haddii ay doonayaan fursad ay ku guuleystaan Champions League kooxda Hansi Flick ayaa xilli ciyaareed isku dhafan ku leh Champions League, iyagoo helay toban dhibcood lixdii ciyaar ee ugu horreysay ee Yurub kooxda difaacanaysa Horyaalka Spain waxaa 3-0 ku garaacday Chelsea bishii hore

Balse waxay ku soo jawaabeen guul muhiim ah oo 2-1 ah

Balse waxay ku soo jawaabeen guul muhiim ah oo 2-1 ah oo ay ka gaareen Eintracht Frankfurt Salaasadii inkasta oo ay guushaas heleen oo uu hoggaaminayay labo gool oo qeybta labaad uu dhaliyay Jules Kounde haddana Barca waxay weli ku jiraan kaalinta 14-aad ee Champions League waxaana ay hoos ugu sii dhici doonaan marka la dhameeyo ciyaaraha Kulamada dhiman

Keown ayaa rumaysan in ayna Barcelona 

Keown ayaa rumaysan in ayna Barcelona ku guulaysan doonin champions League hadii ayna la soo saxiixan daafaca cusub Barcelona ayaa laga dhaliyay 11 gool 6 kulan oo champions League iyada oo kooxda Flick ay ku dhibaatoonayso kulamada waa wax muhiim ahayn”ayuu yidhi Keown markii la waydiiyay weerarka Barcelona

Waa in ay maamulaan ciyaarta oo ay kubada haystaan”ayuusii raaciyay xitaa Frankfurt waxa ay heshay fursado ay ku dhalin kartay goolal, waa iska caadi in aad ku raaxaysato marka aanad ahayn taageere Barcelona ah laakiin kooxda haysta daafaca ugu fiican ayaa ku guulaysan karta tartanka Barcelona ma ahan kooxdaas hada

Post a Comment

0 Comments