Man City Oo Garaacday Real Madrid Iyo Cadaadiska Oo Ku Kordhay Alonso

Man City

Real Madrid ayaa guuldaro 2-1 kala kulantay Manchester City

 Real Madrid ayaa guuldaro 2-1 kala kulantay Manchester City oo marti u ahayd, kulankii wareega lixaad ee Group-ka Champions League, kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu ee kooxda Boqortooyada Real Madrid dhibcaha ay leedahay waxay ku sii hareen 12, taasoo dhigaysa kaalinta 7-aad, halka Manchester City ay gaartay 13 dhibcood oo ay ugu gudubtay kaalinta 4-aad

Real Madrid waxay dhalisay goolka koowaad 

Real Madrid waxay dhalisay goolka koowaad daqiiqaddii 28-aad, waxaana dhaliyay Rodrygo kadib weerar degdeg ah oo uu hoggaaminayay Bellingham, kaas oo kubbadda u gudbiyay saaxiibkiis gudaha xerada ganaaxa, Rodrygo ayaana si kalsooni leh u dhammaystiray

Manchester City waxay ka jawaabtay daqiiqaddii 36-aad

Manchester City waxay ka jawaabtay daqiiqaddii 36-aad, markaasoo Gvardiol uu madax kaga bixiyay koorno, waxaana qalad sameeyay Courtois oo kubbaddii ka duushay, taas oo u fududeysay Oreilly inuu si sahal ah u raaco oo u dhaliyay

Hal daqiiqo ka hor dhammaadka qaybta hore, garsooruhu wuxuu kooxda City u dhigay rigoore kadib markii uu dib u eegis ku sameeyay VAR. Weeraryahanka reer Norway Erling Haaland ayaa si guul leh u dhaliyay rigoorada, isagoo ka dhigay goolka labaad ee Manchester City

Post a Comment

0 Comments