Halyeeyga Barcelona Gerard Piqué ayaa magacaabay
Halyeeyga Barcelona Gerard Piqué ayaa magacaabay afar kooxood oo aad u awood badan oo uu aaminsan yahay inay tartan adag ku noqon karaan Blaugrana xilli-ciyaareedkan UEFA Champions League Piqué wuxuu sheegay in kooxahaas ay yihiin Arsenal, Paris Saint-Germain (PSG), Bayern Munich iyo Real Madrid
Isagoo la hadlayay Moeve Futbol Zone
Isagoo la hadlayay Moeve Futbol Zone ayaa xiddiga Isbaanishka la weydiiyay fursadaha Barcelona ee ku guuleysiga Champions League-ga Piqué wuxuu yiri: “Yurub gudaheedna? Haa, maxaa diidaya? Waa cadahay in ay jiraan kooxo aad u xoogan oo haatan Yurub ka jira
Waxayna u muuqataa in goor dhow ama goor danbe
Waxayna u muuqataa in goor dhow ama goor danbe ay ku dhammaan doonaan inay ku guuleystaan Champions League-ga Arsenal tusaale ahaan, ama PSG oo hanatay xilli-ciyaareedkii hore. Intaas waxaa dheer Real Madrid iyo Bayern, oo aan u maleynayo inay kor u qaadeen heer ciyaareedkooda tan iyo markii uu Kompany yimid, sidaas darteed way adkaan doontaa
Barcelona waxaa laga reebay Champions League-ga wareegga afar dhammaadka (semi-final) xilli-ciyaareedkii hore kadib markii ay Inter Milan kaga adkaatay

0 Comments