Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dekedda magaalada Muqdisho bishii dhammaatay ee Nofeembar gaartay rikoorkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in dekedda Muqdisho ay bishii hore maamushay xamuul aan konteenaraysnayn oo gaaraya 160,703.96 metric tonnes, taas oo la tilmaamay in ay noqotay waxqabadkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda
Bishii Nofeembar dekedda Muqdisho waxay dhigtay rikoor cusub
Bishii Nofeembar dekedda Muqdisho waxay dhigtay rikoor cusub, kaddib markii ay hal bil gudaheed maamushay xamuul aan konteenaraysnayn oo gaaraya 160,703.96 metric tonnes taas oo noqotay waxqabadkii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dekedda” ayaa lagu yirri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya bishii Sebteembar ee sannadkan waxaa dekedaha Muqdisho iyo Hargeysa lagu daray dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo hay’ad xog-ururin caalami ah
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya sanadka cusub ee soo socda ay bilaabi doonto dhismaha deked heer caalami ah oo si heer sare ah loogu hirgelinayo magaalada Muqdisho wasiir Cabdulqaadir ayaa hadalkan ka jeediyay shirwaynaha 34-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Badaha Adduunka (IMO) oo ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska
Wasiirku wuxuu sheegay in dekedda cusub ay noqon doonto mid si buuxda ugu xirmaysa marinada ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay yeelan doonto xarun isku xirka ganacsiga gobolka iyo aag dhaqaale oo xor ah. “Waxay noqon doontaa deked aad u weyn oo Soomaaliya iskugu xiri doonta gobolka iyo caalamka.” ayuu yirri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galay furitaanka kalfadhiga 34-aad ee International Maritime Organization (IMO)
Wasiir Jaamac ayaa xusay in kulanka madashaan uu muhiim u yahay dalalka xubnaha ka ah, isagoo isla markaana sheegay in ay xaqiijiyaan dadaallada lagu horumarinayo badaha adduunka si ay u noqdaan kuwa leh amni buuxda oo laysku halayn karro wasiir Cabdulqadir ayaa tilmaamay in kulankan uu Soomaaliya u leeyahay muhiimad gaar ah, maadaama dowladda Soomaaliya ay waddo dib-u-qaabeyn ballaaran oo lagu casriyeynayo nidaamka gaadiidka badda, laguna xoojinayo maamulka canshuurta badda, sidoo kale lagu horumarinayo dekedaha, isla markaana lagu kordhinayo amniga badaha iyo maraakiibta xeebaha kusoo xirta

0 Comments