Tababaraha Kooxda Man United Ruben Amorim
Tababaraha Kooxda Man United Ruben Amorim ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League Ruben Amorim oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu ahaa kulan xiiso leh, laakiin qofka ka daawanaya guriga waxa uu dareemayaa in aan si fiican u bilaabanay ciyaarta
Natiijadu waxa ay ahayd in ay ka duwanaato
Natiijadu waxa ay ahayd in ay ka duwanaato sida ay tahay laakiin markii aan bilaabanay qaybtii dambe ee ciyaarta waxa aan luminay maamulka ciyaarta waxana nalaga dhaliyay 2 gool laakiin waan soo laabanay anaga oo dhalinay 2 gool
Waxa ay ahayd in aan ciyaarta xidhno si aan u ilaashano
Waxa ay ahayd in aan ciyaarta xidhno si aan u ilaashano natiijada iyaarta isla markaas aanan weeraro qaadin “Waxa aan dareemay dadaal badan oo ay sameeyeen ciyaartoyada kooxdu markii aan ciyaarta ka dhignay 4/3 waxa aan dareemay in aanu sii wadnay cadaadis si aan goolal u dhalino laakiin ugu dambayn ciyaartu waxay ku dhamaatay bar-baro

0 Comments