Xiddiga reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang
Xiddiga reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, oo ah weeraryahanka kooxda Olympique Marseille ee Faransiiska, ayaa ka hadlay sababtii keentay inuu ka tago Barcelona kuna biiro Chelsea sanadkii 2022 ciyaaryahanka ayaa sheegay waxay ahayd khalad weyn, khalad weyn oo nacasnimo ah
Waqtigaas waxaan ku jiray xaalad adag Barcelona
Waqtigaas waxaan ku jiray xaalad adag Barcelona kaddib markii la isku dayay in gurigayga la xado wuxuu sii raaciyay isla waqtigaas Barcelona waxay ku jirtay duruufo adag, xaaladahana waxay ku qasbeen in ay i iibiso ama iibiyaan Memphis Depay
Aubameyang ayaa intaas ku daray markaas kaliya
Aubameyang ayaa intaas ku daray markaas kaliya dalabka Chelsea ayaa miiska saarnaa. Waxaan iri: waan tagayaa, qoyskayguna halkaas ayey joogaan — xitaa haddii kooxda ay tahay Chelsea wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa
Waxaan moodayay in wax walba si fiican u dhici doonaan. Olivier Giroud ayaa ka tagay Arsenal kuna biiray Chelsea, wax dhibaato ahna kama soo gaarin, laakiin xaaladeydu way ka duwanaatay tiisa

0 Comments