Faahfaahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Faahfaahino

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan

 Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan oo deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda iyo kooxda Al-shabaab ciidanka Macawiisleeyda ayaa weerar ku qaaday fariisin ay maleeshiyaadku ku lahayeen duuleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray 

Waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal qaatay mudo ku dhaw hal Deegaanada uu dagaalka ka dhacay ayaa kala Cali Yabaal, Uubad iyo Xirsi Cilmi, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Cabdulqaadir Cali Bugle oo ka mid ah Saraakiisha 

Cabdulqaadir Cali Bugle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Macawiisleyda ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, isagoona cusay in ciidamadooda aysan soo gaarin wax khasaare ah

Dagaalkaan ayaa imaanaya, iyadoo Al-shabaab ay wali ku sugan yihiin deegaano badan oo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka goboleedka Galmudug

Post a Comment

0 Comments