Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Algiers oo ah Caasimadda dalka Algeria madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Algeria madaxweyne Abdelmadjid Tebboune
Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa
Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ee Algeria ayaa la tilmaamau iney qeyb ka tahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhexeeya dowladda Algeria, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga diblomaasiyadeed
Wafdiga madaxweynaha ku wehliya safarka Algeria
Wafdiga madaxweynaha ku wehliya safarka Algeria waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Waasiirrada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cali Dhaay
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan magaalada Algiers waxay kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo midka caalamiga ah la qaadan doonaan Madaxweynaha dalkaas Abdelmadjid Tebboune iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladdiisa

0 Comments