Xiddig U Ciyaara Man United Oo Doonaya In Uu Ka Tago Man United Suuqa January.


Man United

Weeraryahanka Manchester United Joshua Zirkzee

 Weeraryahanka Manchester United Joshua Zirkzee ayaa diyaar u ah inuu raadsado bixitaan bisha January si uu u badbaadiyo rajadiisa ka qaybgalka Koobka Adduunka, sida warbixinta lagu sheegay ka dib markii uu £36.5 milyan kaga soo biiray kooxda Bologna intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga ee 2024, Zirkzee waxa uu dhaliyay kaliya toddobo gool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay

Dhibaatadaas ayaa keentay in Manchester United

Dhibaatadaas ayaa keentay in Manchester United ay go’aansato inay ku bixiso £200 milyan dhisidda khadka weerarka ee cusub sannadkan Matheus Cunha, Bryan Mbeumo, iyo Benjamin Šeško ayaa dhammaantood ahaa ciyaartoy qaali ah oo lagu soo daray qorshayaasha tababaraha Ruben Amorim

Waxaana tartanka xoogeystay ee boosaska garoonka

Waxaana tartanka xoogeystay ee boosaska garoonka uu sababay in Rasmus Højlund uu xagaagii ku biiro kooxda Napoli amaah ahaan si kastaba ha ahaatee, Zirkzee ayaa lagu sii hayay kooxda si uu u noqdo beddel Isagoo kaliya sameeyay afar ciyaarood oo uu ciyaaray 82 daqiiqo guud ahaan tartamada oo dhan

Warbixin uu qoray Daily Mail ayaa sheegaysa in Zirkzee uu diyaar u yahay inuu dhammeeyo waayihiisa Manchester United isla markaana uu baxo bisha Janaayo waxaa la sheegay in Zirkzee uu aad uga niyad jabsan yahay xaaladdiisa, gaar ahaan maadaama ay tahay sannadkii Koobka Adduunka

Waxa uu ka baxay liiska ugu dambeeyay ee xulka Netherlands ee uu soo saaray Ronald Koeman, wuxuuna dalkiisa u ciyaarin tan iyo November

Post a Comment

0 Comments