Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Ku Guulaysan Karta Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Rio Ferdinand

Xiddigii hore ee xulka England, Rio Ferdinand

 Xiddigii hore ee xulka England, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in tani ay tahay waqtigii ugu fiicnaa ee taageerayaasha Arsenal ay ku faani lahaayeen kuna faani karaan kooxdooda sida uu sheegay daaficii hore ee Manchester United, Arsenal ma laha wax cudur daar ah haddii aysan ku guuleysan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan

Arsenal ayaa suuqa kala iibsiga xagaaga la soo wareegtay

Arsenal ayaa suuqa kala iibsiga xagaaga la soo wareegtay ciyaartoy tayo leh oo badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Eberechi Eze, Zubimendi iyo Viktor Gyokeres Ferdinand ayaa sheegay in Arsenal aysan hadda wax cudur daar ah u haynin haddii ay ku guuldarreystaan hanashada horyaalka 

Arsenal waxay u badan tahay inay haatan yihiin kooxda

Arsenal waxay u badan tahay inay haatan yihiin kooxda ugu ciyaartooyda badan ee tayo leh guud ahaan boosaska kala duwan ee garoonka marka dhammaan ciyaartoydu taam yihiin, waa koox cabsi gelin karta cid kasta oo ay wajahdo,” ayuu Ferdinand ku yiri barnaamijkiisa Rio Presents Podcast

Waxay haystaan ciyaartoy adag, kuwo dhaawac gaarsiin kara kooxda ka soo horjeeda meelaha kala duwan ee garoonka. Waa waqti fiican oo lagu faano haddii aad taageere u tahay Arsenal

Waa inay markan dhammeystiraan shaqada. Ma jiri karto marmarsiiyo haddii aad heysato kooxda ugu xoogan horyaalka, haddana aad ku fashilanto hanashada koobka

Post a Comment

0 Comments