Mas'uuliyiin Maraykan ah iyo kuwa Shiine ah
Mas'uuliyiin Maraykan ah iyo kuwa Shiine ah ayaa Isniintii sheegay in ay gaadheen heshiis hordhac ah oo uu Maraykanku kula wareegayo aalladda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ee uu shiinuhu leeyahay. Warku waxa uu intaasi ku daray in uu jiri doono wicitaan dhinaca taleefanka ah oo Jimcaha ahdhex mari doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping
Wadahadallo socday bilo socday oo dhex marayay
Wadahadallo socday bilo socday oo dhex marayay dalalka hoggaamiyaha dhaqaalaha caalamka ayaa ku saabsanaa heshiis suurtagal ah oo laga gaadho barta caanka ah ee TikTok oo ay adeegsadaan 170 milyan oo Maraykan ah arrintan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay dunida aybo badna ka dhaceen dagaal-ganacsiyeed ballaadhan oo gilgilay suuqyada caalamiga ah
Kaddib kulan ka dhacay magaalada Madrid
Kaddib kulan ka dhacay magaalada Madrid oo la qaatay masuuliyiin Shiine ah, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in ay soo dhammaatay muddadii ay bartan bulsho ee TikTok ay carqaladaynaysay dalka Maraykanka. Waxa se uu diiday in uu ka hadlo wuu diiday inuu ka hadlo waxyaabaha gaarka ah ee heshiiskaasi ku saabsan Bessent
Wuxuu sheegay in marka la shaaciyo shuruudaha ganacsiga ee heshiiskan, uu ilaalin doono dhinacyada dhaqanka ee TikTok ee gorgortanlayda Shiinaha ay danaynayaan Waxay xiiseynayaan in App-kani uu sii ahaado mid leh qaabka Shiinahu u qaabeeyeen, kaas oo ay u maleynayaan inuu yahay mid fudud. Annagu dan kama lihin astaamaha Shiinaha. Waxaan daneyneynaa amniga qaranka," Bessent ayaa u sheegay weriyeyaasha dhammaadka laba maalmood oo wadahadallo ah
Trump, markii la weydiiyay in Shiinahau uu shirkaddan saami ku yeelan doono, waxa uu wariyayaasha u sheegay "Ma aanan go'aansan taas laakiin waxay ila tahay aniga, waxaana la hadlayaa Madaxweyne Xi Jimcaha, si loo xaqiijiyo taas waa markii labaad ee sanadkan oo labada dhinac ay sheegeen inay ku dhow yihiin heshiis TikTok. Ogeysiiskii hore ee Maarso ugu dambeyntii ma rumoobin
Heshiis kastaa waxa laga yaabaa in uu u baahdo oggolaanshaha Congress-ka, kaas oo meel mariyay sharci 2024-tii oo u baahan in baadhis dheeri ah lagu sameeyo maaddaama cabsi laga qabo in xogta TikTok ee Maraykanka ay heli karto dawladda Shiinahu. Arrinta walaaca laga qabo ayaa ah suurtagalnimada Beijing in ay basaasto Maraykanka ama ay sameeyaan hawlgallo saameyn leh iyada oo loo marayo appkaasi
Maamulka madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah u diiday in app-kaas la xidho. Trump waxa uu ku ammaanay bartan bulsho ee Shiinuuhu leeyahay in ay ka caawisay in uu ku guuleysto dib-u-doorashadii sannadkii la soo dhaafay. Bartiisa gaarka ahna waxa ku xidhan15 milyan oo qof. Aqalka Cad ayaa bishii hore bilaabay akoon rasmi ah oo TikTok ah
Heshiis ayaa sidoo kale laga gaadhay shirkadaha "qaar" oo dhalinyarada dalkeenna ay aad u doonayeen. Aad bay u farxi doonaan! Madaxweyne Xi ayaan la hadli doonaa Jimcaha. Xidhiidhku weli waa mid aad u xooggan!!!" Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social.
0 Comments