Ciidamo Libyan ah oo Badbaadiyay 23 Qof oo Soomaaliyeed oo gacanta ugu jiray Koox Burcad ah

Ciidamo Libyan

Ciidanka gaarka ah ee 444-aad ee dalka Libya

 Ciidanka gaarka ah ee 444-aad ee dalka Libya ayaa ku guuleystay hawlgal samatabixin ah oo lagu soo badbaadiyay 23 muwaadin oo Soomaaliyeed oo 13 dumar ah iyo 10 rag ah iskugu jiray, kuwaas oo la sheegay in si sharci darro ah loogu haystay xarun ay gacanta ku hayeen koox burcad ah 

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka 

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu fuliyay kadib markii la helay xog sirdoon oo tilmaamaysay halka lagu hayo muwaadiniintaasi xarunta lagu hayay dadka ayaa lagu sheegay in ay tahay goob ay isticmaasho koox burcad ah oo ajnabi ah

Kuwaasoo ku hawlanaa falal la xiriira afduubka

Kuwaasoo ku hawlanaa falal la xiriira afduubka iyo dhibaateynta dadka intii lagu guda jiray hawlgalka, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen shan (5) qof oo ka tirsan kooxda burcada ah, kuwaas oo dhammaantood haysta dhalashada Soomaaliya, Waxaa lagu eedeeyay in ay mas'uul ka ahaayeen afduubka iyo cabsi gelinta qoysaska dadka la afduubay

Iyagoo lacag madax furasho ah uga dalbanayay si ay ugu sii daayaan ciidamada 444-aad ayaa sheegay in dadkii la badbaadiyay loo gudbiyay xarumo caafimaad si loo siiyo daryeel caafimaad kadib tacadiyadii ay la kulmeen

Post a Comment

0 Comments