Qiimaha dahabka ayaa gaaray rikoorkii ugu sarreeyay
Qiimaha dahabka ayaa gaaray rikoorkii ugu sarreeyay oo ka badan $4,000 (£2,985) halkii wiqiyadood (28 garaam) iyadoo maalgashadayaasha ay raadinayaan meelo ammaan ah oo ay lacagtooda ku shubtaan sababo la xiriira walaaca laga qabo hubanti la'aanta dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee adduunka Dahabka ayaa waxaa ku dhacay qiime kororkii ugu weynaa tan iyo 1970-meeyadii, isaga oo kor u kacay in ka badan 25% tan iyo bishii Abriil markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay canshuuraha taas oo ka careysiisay ganacsiga adduunka
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in arrin kale
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in arrin kale oo ay ka walaacsan yihiin maalgashadayaasha ay tahay dib u dhac ku yimaada sii deynta xogta muhiimka ah ee dhaqaalaha sababo la xiriira xiritaanka dowladda Mareykanka, maaddaama lagu wado inay gasho todobaadkii labaad dahabka waxaa loo arkaa waxa loogu yeero maal-gashi badbaado leh, kaas oo la filayo in uu xajisto ama uu kordho qiimihiisu waqtiyada suuqa uu kacsan yahay ama uu hoos u dhaco dhaqaalaha Qiimaha dahabka diyaarsan qaddarka aad helayso haddii aad ku iibiso birta qaaliga ah suuqa ayaa kor u kacay $4,011 halkii wiqiyadood subaxnimadii Arbacada gudaha Aasiya Gold Futures - oo lagu cabbiro dareenka suuqa
Wuxuu gaaray heer isku mid ah 7 Oktoobar
Wuxuu gaaray heer isku mid ah 7 Oktoobar. Futures waa heshiisyo lagu iibsanayo ama lagu iibinayo hantida taariikh hore loo go'aamiyey oo mustaqbalka ah xiritaanka dawladda Maraykanka, oo ay ka dhalatay ciriiri ku yimid kharashaadka dadweynaha, ayaa ah "dabaysha daba socota qiimaha dahabka", ayuu yiri Christopher Wong oo ka tirsan OCBC, oo ah khabiirka qiimeyaasha bangiga oo fadhigiisu yahay Singapore
Maalgashadayaashu waxay u weecdeen dhanka hanti ammaan ah sida dahabka intii lagu jiray shaqo joojinnadii hore ee dowladda Mareykanka wuxuu kor u kacay ku dhawaad 4% intii lagu jiray xiritaanka muddadii bisha ahayd ee Trump mudd0-xileedkiisii kowaad ee Aqalka Cad laakiin qiimaha dahabka ayaa hoos u dhici kara haddii xiritaanku uu si dhaqso ah u dhamaado si ka badan inta maalgashadayaasha qaar ay filayaan, ayuu yiri Mr Wong sare u kaca aan horay loo arag" ee dahabka bishii la soo dhaafay ayaa dhaaftay filashooyinka falanqeeyeyaasha, ayuu yiri madaxa suuqa ee bangiga UOB Heng Koon How
Waxa uu intaa ku daray in kor u kaca uu sidoo kale ku xiran yahay hoos u dhaca doollarka Maraykanka iyo dad badan oo aan xirfad u lahayn wax iibsashada, oo loo yaqaan maalgashadayaasha tafaariiqda, oo iibsanaya dahabka Gregor Gregerson, oo ah aasaasaha shirkadda ka ganacsata biraha qaaliga ah ee Silver Bullion, ayaa sheegay in uu arkay tiro macaamiisha ah in ka badan labanlaab sannadkii la soo dhaafay
0 Comments