Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka
Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo labada dal ay is dhaafsadeen canshuur isku celis ah oo midba midka kale saaray laakiin Shiinaha kama jawaabayo oo kaliya dagaalkan ganacsi iyada oo canshuur celis ah saareysa Maraykanka. Hadda, Shiinaha wuxuu xayiraado kusoo rogay dhoofinta qaar ka mid ah macdanaha 'nadirka' ah, taasoo dharbaaxo weyn ku ah Maraykanka tallaabadan waxay muujinaysaa sida uu Maraykanku ugu tiirsan yahay macdantan
Waa in la xusuusto in Madaxweynaha Maraykanka
Waa in la xusuusto in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu toddobaadkan amar ku siiyay Waaxda Ganacsiga in la kordhiyo wax-soo-saarka macdanaha muhiimka ah si loo yareeyo ku-tiirsanaanta Maraykanka ee soo-dejinta macdantan Macdanta dhulka naadirka ah waa 17 macdan oo leh sifooyin kiimiko oo isku mid ah oo si weyn loogu isticmaalo tignoolajiyada casriga ah. Macdanahaan ayaa laga soo saaraa waxyaabo kale oo badan oo ay ka mid yihiin talefannada casriga ah
Kombayutarada, caafimaadka iyo qalabka difaaca
Kombayutarada, caafimaadka iyo qalabka difaaca Kuwaas waxaa ka mid ah macdanta scandium, yttrium, lanthanum, cerium, praseodymium, neodymium, promethium, samarium, europium, gadolinium, terbium, dysprosium, holmium, erbium, thulium, ytterbium, iyo lutetium waxaa loogu yeeraa naadir sababtoo ah waxaa loo arkaa mid aan caadi ahayn in laga helo xaaladdooda saafiga ah, laakiin waxaa jira kaydad iyaga ka mid ah oo adduunka oo dhan ah
Laakiin macdantan dhifka ah ayaa inta badan la socota curiyeyaasha shucaaca sida thorium iyo uranium, iyo qaybo badan oo sun ah waa in la isticmaalo si loo kala saaro, taasoo ka dhigaysa habka soo saarista mid adag oo qaali ah Thomas Kremer, oo ah maamulaha ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Ginger, ayaa sii sharaxaya: 'Dhammaan waxyaabaha aad shido ama damiso waxay ka samaysan yihiin macdan naadir ah Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Shiinaha wuxuu noqday hoggaamiye caalami ah oo ku takhasusay soo saarista iyo farsamaynta macdanta naadirka ah
Sida ay sheegayaan qiyaasaha Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), Shiinaha wuxuu soo saaraa ilaa 61% macdanahaan naadirka ah, wuxuuna sidoo kale farsameeyaa 92% ka mid ah tani waxay la micno tahay in Shiinuhu gacanta ku hayo qeybtaas ganacsi, isla markaana uu leeyahay awoodda go'aaminta shirkadaha heli kara sahayda macdanahaan waa in la ogaadaa in soo saarista iyo farsamaynta macdantan ay tahay mid aad qaali u ah, isla markaana si weyn u waxyeeleysa deegaanka
Macdantan naadirka ah sidoo kale waxay ka kooban yihiin walxo shucaac leh (radiation), waana sababta ay dalal badan, oo ay ka mid tahay Midowga Yurub, uga cago-jiidayaan in ay soo saaraan marka la soo saaro macdantan, waxa haray waa qashin shucaac leh oo u baahan in si ammaan ah loo tuuro. Hadda, dhammaan xarumaha ay Midowga Yurub haysato arrintan waa kuwo kumeelgaar ah," ayuu yidhi Thomas Kremer
Laakiin Shiinaha si kedis ah uma noqon hoggaamiyaha qeybtaan, balse waa natiijo ka dhalatay siyaasadaha dowladeed iyo maalgashiyo muddo dheer socday intii uu booqasho ku joogay Mongolia sanadkii 1992, hoggaamiyihii Shiinaha ee Deng Xiaoping wuxuu ku faanay hadal ahaa: "Bariga Dhexe wuxuu haystaa saliid, Shiinahana wuxuu haystaa macdanaha naadirka ah."
0 Comments