Napoli Oo Rumaysan In Man United Aqbali Doonto Saxiixa Kobbie Mainoo Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

Man United

Kooxda Napoli ayaa aaminsan in ay weli fursad

 Kooxda Napoli ayaa aaminsan in ay weli fursad u haystaan saxiixa Kobbie Mainoo oo ah ciyaaryahan khadka dhexe uga ciyaara Manchester United, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha January, sida ay sheegayaan wararku kooxda horyaalka ka ah Serie A ayaa wadahadallo la yeelatay Mainoo xagaagii, laakiin waa ay beddeleen qorshahooda suuqa kadib

Markii uu dhaawac soo gaaray Romelu Lukaku 

Markii uu dhaawac soo gaaray Romelu Lukaku, waxayna doorteen inay ka soo saxiixdaan Rasmus Højlund kooxda United Mainoo ayaa muujiyay walaac ku saabsan fursadaha ciyaar joogto ah ee uu ka helayo Ruben Amorim, waxaana sidoo kale xagaagii daneynayay kooxaha Tottenham, Aston Villa, iyo Everton

Ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan,

Ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, Mainoo kuma uusan bilaabin ciyaar Premier League ah, waxaana keligiis 90 daqiiqo buuxa uu ciyaaray kulankii layaabka lahaa ee ay rigoorayaal ku guuldarreysteen Grimsby Town tartanka Carabao Cup bishii la soo dhaafay Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport

Kooxda Napoli ayaa markale dib u bilaabi doonta dadaalladeeda ay ku doonayso saxiixa Kobbie Mainoo marka la gaaro suuqa kala iibsiga bisha January wararka ayaa sheegaya in kooxda reer Talyaani ay ku kalsoonyihiin in la gaadhi karo heshiis si ay ula soo wareegaan xiddiga Khadka dhexe ee Man United

Warbixintu waxay sheegaysaa in Napoli ay rumeysan tahay in Manchester United ay ogolaan doonto heshiis amaah ah oo uu Kobbie Mainoo ugu wareegayo kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedka, haddii uusan heshiisku wadan ikhtiyaar iibsasho ah

Post a Comment

0 Comments