Garabka Arsenal Leandro Trossard ayaa sheegay
Garabka Arsenal Leandro Trossard ayaa sheegay in wararka la isla dhex marayay ee ku saabsanaa mustaqbalkiisa kooxda xagaagan ay ahaayeen kuwo si aad ah loo buunbuuniyey Kooxda Arsenal ayaa la Soo saxiixatay xiddigo badan oo weerarka ah si ah ugu xoojiyaan kooxda Kooxda Arsenal ayaa la Soo saxiixatay weeraryahanka Viktor Gyökeres, garabka Noni Madueke, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka Eberechi Eze
Xiddigaha cusub ayaa kooxda kula biiray xiddigaha
Xiddigaha cusub ayaa kooxda kula biiray xiddigaha Bukayo Saka, Ethan Nwaneri, Gabriel Martinelli iyo xiddigaha dhaawacna ee Kai Havertz iyo Gabriel Jesus Iyada oo ay jiraan fursado badan oo uu Mikel Arteta haysto, warbixino badan oo la faafiyay ayaa sheegay in Trossard la iibin karo ciyaaryahanka reer Belgium ee khibradda leh ayaa heshiis cusub saxiixay bishii Agoosto
Balse taasi waxba kama aysan beddelin wararka
Balse taasi waxba kama aysan beddelin wararka ku wareegsan mustaqbalkiisa ugu dambayntiina, waxba kama soo bixin. Kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu qabay xilli-ciyaareedkii hore, Trossard wuxuu sameeyay siddeed kulan guud ahaan dhammaan tartamada, oo ay ku jiraan saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League oo uu bilaabay, taasoo muujinaysa muhiimaddiisa uu u leeyahay Arteta
Had iyo jeer warar sidan oo kale ah way jiraan,” ayuu Trossard qoslay. “Ka tegiddu marnaba ma ahayn ikhtiyaar dhab ah. Aad baan isugu wanaagsanahay Arsenal
0 Comments