U.S. oo Mamnuucaysa Teknolojiyada Shiinaha ee Fiilooyinka Badda Hoostooda

Teknolojiyada Shiinaha

U.S. oo Mamnuucaysa Teknolojiyada Shiinaha

U.S oo Mamnuucaysa Teknolojiyada Shiinaha ee Fiilooyinka Badda Hoostooda warbixinta Reuters ayaa sheegaysa in Federal Communications Commission (FCC) ee Mareykanka ay qorshaynayso xeerar cusub oo mamnuucaya in fiilooyinka isgaarsiinta ee badda hoostooda ee ku xidhan Mareykanka laga isticmaalo qalab ama teknoolojiyad Shiinaha laga leeyahay ama lala xiriirinayo tallaabadan ayaa waxaa loo qaadayo argagax laga qabo khataraha amni ee basaasiinta ama weerarrada internetka

Talaabadan waxay si gaar ah u beegaysaa shirkadaha

Talaabadan waxay si gaar ah u beegaysaa shirkadaha Shiinaha sida Huawei iyo ZTE, oo la tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga qaranka Mareykanka xeerarku waxay diidayaan in shirkadahaas ama shirkadaha kale ee ku jira liiska khatarta amnigu ay helaan rukhsadaha dhul-dejinta fiilooyinka badda (cable landing licenses), sidoo kalena aysan isticmaalin qalabka fiilooyinka mustaqbalka

Tani waxay qayb ka tahay dadaal ballaaran

Tani waxay qayb ka tahay dadaal ballaaran oo Mareykanku ku doonayo inuu yareeyo saameynta Shiinaha ee kaabayaasha isgaarsiinta ee caalamiga ah, ilaa 99% dadka internetka aduunka isticmaalana ay ku xidhan yihiin fiilooyinka badda hoostooda Sababaha iyo dhacdooyinka taageeraya arintaan waxaa ka mid ah

Weeraro la tuhunsan yahay oo lagu qaaday fiilooyinka badda ku yaal sida Badda Baltic ee 2024 iyo dhawaan Matsu Islands (Taiwan) iyada oo laga shakisan yahay inay Shiinuhu lug ku yeesheen

Post a Comment

0 Comments