Sidee ugu wanaagsan in ubadka ay u istcmaalan teknoloojiyada?

teknoloojiyada

Baaritaano dhawaantan la sameeyay ayaa waxaa

 Baaritaano dhawaantan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaadey in ubadka inta badan isticmaala aaladaha elektrooniga ah a ay halis ugu jiraan dib u dhac koriinsho oo kala duwan , sida in hadalka kaso daaho , waxbasrahada ay ku adkaato iyo in ey xumaato xariirka ka dhexeeya ayaga iyo dadka ku xeeran.Intaas waxaa dheer in ilmuhu ay u noqoto balwad inuu maanta dhan wax fiirsado am uu dheelo ciyaaraha kala duwan ee ku jira mobilada iyo aaladaha kala duwan

Qubarada ku taqasusay baaritaanka maskaxda

Qubarada ku taqasusay baaritaanka maskaxda bani,aadamka ayaa ogaadey in qatarahani aan so xusnay laga badbaadin karo ubadka haddi la raaco talooyinka iyo  cilmiyeysan ee ay soo jeedinayaan waxaa muhiim ah in la helo isku dheelitir isticmaaled oo u saamaxayo in ubadka ay ka faaideystaan isticmaalka alaadaha elektrooniga ah ayagoona dhaawaceyn caafimaadkooda iyo koriinshahooda

Si taas loo helano waxaa muhim ah in la raaco

Si taas loo helano waxaa muhim ah in la raaco tilaaboyinkan soo socda waalidku waa inuu marka ugu horeeyso  u noqda tusaale wanaagsan ubadkiisa uuna yareeya isticmaalka aaladaha kala duwan si ay ubadka u arkaan in aduunka uusan aheyn oo kaliya shaashad la fiiriyo waxaa lagama marmaan ah inaan ogaano in ilmuhu aysan maqleynin waxaan u sheegeyno oo ay kaliya arkayaan ayna sameeynayan wax walbo oo aan anaga sameyno

Haddaba sidaas darteed waxaa muhiim ah in aan xadeyno isticmaalka iyo waqtiga aan ku bixino aaladaha casriga ah kuna dadaalno marwalbo in aan  u yeelno jadwal waqtiga iyo marka aan isticmaaleyno marwalbana aan isxasuusino in ficiladeena ay u horseedi karaan ubadkeena horumar ama dib u dhac

Ma haboona in ilmaha ka yar labo sano loo dhiibo aalado elektroonig sida mobil, tv iyo waxybaha la halmaala. Sida ku cad talo bixinada ay soo saartay Hey,adda caafimaadka aduunka ee marki magaceeda lasoo gaabiyo lo yaqaano WHO ayaa qeexeysa in ilmaha ka yar labo sano aan marnaba loo ogolaan inuu istcimaalo aaladaha elektrooniga taas badalkeedana lagu dhiiro galiyo inuu ilmuhu cayaaro uu u nashaad iyo firfircoonado

WHO ayaa sheegaty in istcimaalka shaashadaha kala duwan ay ilmaha yari u sababi karto dhibaatoyin ay ka  mid yihin , hurdo xumo, cayil saaid ah iyo in ilmaha uu maskaxiyan handikaab noqdo. Sii ilmaha waqti uu ku ciyaaro lana sameey falgal si aad u caawiso koritaankisa maskaxeed iyo jireedba

Jadwal u samee isticmaalka shaashadaha iyo aaldaha kala duwan hana ka badnin waqtiga uu isticmaalayo ilmaha 1 saac ilaa labo saac maalinki.. Sida la lagu ogaaday baaritaano kala duwan waxaa la xaqiijiyey in ubadka isticmaala aaaldaha kala duwan waqti badan ay ka qaadan madax adeeg qeylo iyo degenansho la,aan

Haddaba waalid ku dadaal inaad xad u sameeyso waqtiga u ilmahaga fiirsan karo telefishinka ama uu ku ciyaari karo mobilka weey adagathay in waqtigan aynu joogno aan xadeyno istcimaalka kala duwan ee aaladaha iyo baraha kala duwan ee interneetka

Sababto ah waxaan ku noonlnahay bulsho marwalbo online ah,  lakin haddii aynu dadaalno waa hubaal in aan xakameyn karno saameynta xun ey nagu leeyihin oo aan ka badbaadin karno ubadkeena aafoyinka eey leedahay istcimaalida aaladahasi

Post a Comment

0 Comments