Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 dhammaan wareysiyada fiisaha socdaalka ee dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan lagu qaban doono safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Kenya tallaabadan ayaa qeyb ka ah xeerar cusub oo dhigaya in codsadayaasha fiisaha socdaalka ay wareysiga ku galaan qunsuliyadda mas’uulka ka ah meesha ay deggen yihiin, ama dalka dhalashadooda haddii ay sidaas codsadaan
Dadka ka imaanaya Eritrea ayaa wareysiyadooda
Dadka ka imaanaya Eritrea ayaa wareysiyadooda ku geli doona Nairobi ama Addis Ababa, halka kuwa ka socda Suudaan lagu qaban doono Qaahira, iyo dadka reer Suuriya oo loo diri doono Camman ama xaalado gaar ah Bayruut
Dalal kale oo aan lahayn adeegyo qunsuliyadeed
Dalal kale oo aan lahayn adeegyo qunsuliyadeed oo joogto ah ayay Dowladda Maraykanka sheegtay in loo qoondeeyay xarumo gaar ah, sida Jabuuti oo loogu talagalay dadka reer Yemen iyo Johannesburg oo loogu talagalay dadka reer Zimbabwe
Waxaa kale oo la sheegay in xeerarkan cusub ay khuseyn doonaan codsadayaasha barnaamijka Diversity Visa (DV Lottery) laga bilaabo sannadka DV-2026, taasoo micnaheedu yahay in guuleystayaasha Green Card-ka Maraykanka wareysiyadooda lagu xiro halka ay deggen yihiin ama dalalka dhalashadoodu tahay
3 Comments
Sidee loogu wareejin karaa anaga dal ma nihin miyaa
ReplyDeletedowladda waa in ay fahantaa dhagarta mareykanka
ReplyDeletemareykanku waa in uu joojiyaa faragelinta
ReplyDelete