carvajal Oo Sheegay Sababta Uuna Yaamal Ugu Codayn Doonin Ballon d’or-ka.

carvajal Oo Sheegay

Kabtan-ka Real Madrid, Dani Carvajal

 Kabtan-ka Real Madrid, Dani Carvajal, ayaa ammaan weyn u jeediyay xiddiga Barcelona, Lamine Yamal iyo Carvajal ayaa isku xu ah waxaana ciyaaryahanka da’da weyn uu qiray horumarka cajiibka ah ee da’yarku ka sameeyay ciyaaraha

Xiddiga Real Madrid ayaa sidoo kale xusay 

Xiddiga Real Madrid ayaa sidoo kale xusay in 18-jirkan uu ka mid noqon karo musharrixiinta abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025 Yamal ayaa sii wacdarro dhigay tan iyo tartankii Euro 2024, waxaana uu ka caawiyay kooxda Hansi Flick ee Barcelona inay ku guuleystaan saddexleyda gudaha xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay 

Yamal waxa uu ka mid yahay 30-ka ciyaaryahan

Yamal waxa uu ka mid yahay 30-ka ciyaaryahan ee sanadkan loogu yeeray musharrixiinta abaalmarinta Ballon d’Or Carvajal waxa uu la hadlay idaacadda Cadena SER isagoo ku sugan xerada xulka Spain ee fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ee FIFA wuxuu ka mid noqon karaa musharrixiinta Ballon d’Or, gaar ahaan sababo la xiriira da’diisa ugu dambeyn

Yaan la iloobin in uu kaliya jiro 18 sano aniguna waxaan 18 jir ahaantay markii aan jooggay Castilla, waana arrin aad u adag in ciyaaryahan uu farqi ka dhaliyo da’daas yar kubadda cagta heerka sare 

Maadaama aanan cod bixin doonin, cidna ma siinayo, sababtoo ah anigu kabtan ma ihi, sidaas darteed waxaan ka baxay mas’uuliyaddaas


Post a Comment

2 Comments