Shan dal oo dunida hoggaamin doona sanadka 2050-ka

Shan dal

Ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub

Ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub, dagaalka Ukraine iyo canshuuraha ganacsiga ayaa laga yaabaa in ay abuuraan xaalado dhaqaale, laakin inkastoo caqabadahaas ay jiraan haddana waxaa la qiyaasayaa in dhaqaalaha adduunka uu sii wadi doono koritaanka tobanaanka sano ee soo socda dhab ahaantii marka la gaaro 2050-ka dhaqaalaha dduunka ayaa labajibaarmi doona sida la saadaalinayo in inkastoo Qaramada Midoobey ay sheegayso in tirade dadka caalamka ay kordhi doonto 26%. Koritaankaas ayaa keeni doono caqabado badan In kasta oo ay adkaan karto in la saadaaliyo sida uu mustaqbalka u dhici doono

Haddana dhaqaala-yahannada intooda badani

Haddana dhaqaala-yahannada intooda badani waxay isku raaceen hal shay: suuqyada soo koraya ee maanta waxay noqon doonaan kuwa berrito ah marka la eego quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha sida laga soo xigtay warbixinta The World ee 2050 ee shirkadda caalamiga ah ee adeegyada xirfadeed ee PwC, 30 sano gudahood, lix ka mid ah toddobada dhaqaale ee ugu weyn adduunka ayaa noqon doona dhaqaalaha soo koraya maanta, dhaqaalaha Maraykanka ayaa hoos u dhici doona . Japan waxay hoos ugu dhacday 4 ilaa 3 ilaa 8 iyo Jarmalka oo hoos uga dhacay 5 ilaa 9

Xitaa dalalka dhaqaalaha yar yar sida Vietnam,

Xitaa dalalka dhaqaalaha yar yar sida Vietnam, Filibiin iyo Nigeria waxay la kulmi doonan koboc weyn heerarkooda sodonka sano ee soo socda, sida lagu sheegay warbixinta waxaan la hadalnay dadka deegaanka ee ku nool shan wadan oo awood u leh inay koraan si aan u ogaano sida ay ula tacaalayaan isbedelada xawliga ah ee hadda ka socda, faa’iidooyinka ay ka helayaan ku noolaanshaha deegaanadaas iyo caqabadaha dalalkooda ay la kulmaan marka ay sare u kacaan

Kobaca dhaqaalaha ee Shiinaha oo ay shaaciyeen xisbiga talada haya ee Shiinaha ee PPP ayaa muujinaya in Shiinaha uu durbaba yahay dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka. Waddanka awoodda badan ee ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay gaaray guulo la taaban karo oo dhanka dhaqaalaha ah, hase yeeshee dhaqaaloyannada ayaa carrabka ku adkeeyay in guushani ay tahay bilow un oo ay guulo badan soo socdaan

Isbedello waaweyn oo dhanka dhaqaalaha ah ayay dadka Shiinaha marqaati ka ahaayeen. “Dalkeyga, sannadadii la soo dhaafay ayaa waxaa laga hirgaliyay Kaabayaal dhaqaale oo waaweyn kuwaas oo horseeday in maagaalooyin qurux badan ay dhismaan. Waxaa ka mid ah warshado, goobo laga dukaameysto oo waaweyn, maaqaayado iyo waddooyin. Waddanka oo dhan ayaa is baddalaya marka loo eego 15-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Rowan Kohl loo ah qoraaga buugaagta 1-Minute Chinese Books

Dalka labaad ee ugu dadka badan aduunka ayaa la filayaa in uu koboc weyn sameeyo sodonka sano ee soo socda,isaga oo celcelis ahaan gaari doona 5% kobaca wax soo saarka dalka sanad walba,sida lagu sheegay warbixinta – taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah wadamada ugu kobaca dhaqaalaha badan aduunka. Marka la gaaro 2050, Hindiya waxaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka oo dhaafi doona Mareykanka, waxaana ay ka dhigan tahay 15% wadarta guud ee GDP

Natiijooyinka wanaagsan ee koritaanka ayaa durba bilaabay inay saameyn ku yeeshaan dadka deegaanka laga soo bilaabo dhamaadkii Qarnigii 20-aad iyo bilowgii Qarnigii21-aad, waxaan arkayaa Hindiya oo is baddaleysa inanga oo daawaneyna,” ayuu yiri Saurabh Jindal oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindia, isla markaana maamula barnaamijka la yiraahdo Talk Travel. “Kobaca dhaqaaluhu waxa uu horseeday isbedello badan oo ku yimid hab nololeedka dadka, laga soo bilaabo fir-fircoonida magaalada ilaa hab-dhaqanka bulshada iyo ugu dambayntii socodkii iyo wada sheekaysigii guud ee dalka iyo dadka deegaanka

Tusaale ahaan, waxaa 15-kii sano ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay tayada telefishinnada, taleefoonnada gacanta iyo noocyada baabuurta,” ayuu yiri Jindal, iyadoo socdaalka hawada uu noqday mid la heli karo, guryuhuna ay noqdeen kuwo aad u deggan oo hodan ah.

Post a Comment

0 Comments