Ruben Amorim Oo Arsenal U Adeegsaday Inuu Ku Difaaco Go’aankiisa Bruno Fernandes Kaddib Guuldarradii Manchester United Ka Soo Gaartay Man City.

Manchester United

Ruben Amorim ayaa ka jawaabay dhaliilaha loo jeediyay

 Ruben Amorim ayaa ka jawaabay dhaliilaha loo jeediyay doorka khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaddib guuldarradii 3-0 ee Manchester United ka soo gaartay Manchester City Axadii United wax khatar ah kuma keenin City garoonka Etihad, waxaana gool madax ah qeybtii hore u dhaliyay Phil Foden, halka Erling Haaland laba gool oo kale uu ka dhaliyay qeybtii labaad si uu guusha ugu xaqiijiyo kooxda Pep Guardiola

Dhanka kale, Fernandes ayaa inta badan ciyaarta 

Dhanka kale, Fernandes ayaa inta badan ciyaarta ka garab dheelay Manuel Ugarte isagoo ku jiray labo khad dhexe, balse wuxuu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho weerar iyo difaac midna kabtanka United ayaa inta badan ka ciyaara boos weerar ah oo khad dhexe saddexle ah tan iyo markii uu ku soo biiray Old Trafford shan sano ka hor, balse Amorim ayaa ku adkeystay in nidaamka ciyaareedkiisa uusan wax taban ah ku yeelanaynin bandhigga 31-jirka

Markii la weydiiyay in beddelidda booska Fernandes

Markii la weydiiyay in beddelidda booska Fernandes ay wiiqayso kooxda United, Amorim wuxuu tusaale wanaagsan u soo qaatay guuldarradii 1-0 ee kooxdiisu kala kulantay Arsenal bishii hore ragow, waan fahamsanahay sida kubbadda cagtu tahay, natiijooyinkuna waxay sameeyaan sheeko kasta,” ayuu yiri Amorim Markii aan la ciyaarnay Arsenal

Kooxdee ahayd garoonka ku jirta ma u malaynaysaan inaan si fiican u ciyaarnay, mise inaga ayaa ka fiicnaa kooxda? ma u malaynaysaan in Odegaard, Rice, Zubimendi ay yihiin saddex khad dhexe oo heer sare ah? Annagu labo ayaan ku ciyaarnay – mid wuxuu ahaa Casemiro, midka kalena Bruno mararka qaarkood waa dhaq-dhaqaaqa kooxda, mararka qaarkoodna waa fursad aad gool ku dhaliso. Aniga sidaas ayaan u arkaa 

Waan ogahay in dadka ay ku adagtahay, taageerayaashuna aysan rabin inaan waxyaalahan iraahdo. Waan ogahay inaysan dhegaysan doonin oo ay ka xumaadaan, taasna waxba kama qaban karo waxaan isku dayayaa inaan caqli ku hadlo oo aanan naftayda been u sheegin, sidaas darteed waan arkaa rikoodhka, waan fahamsanahay niyad-jabka qof walba, waxaanan fahamsanahay go’aanka la socda taas

Laakiin doodda ku saabsan labada khad dhexe, lamaanaha, Kobbie Mainoo – dhammaan sheekooyinkan waan fahamsanahay, laakiin markaan fiiriyo ciyaaro gaar ah, annaga laba ayaan ku ciyaarnaa, waa isla shaygii

Markii la weydiiyay in beddelidda booska Fernandes ay wiiqayso kooxda United, Amorim wuxuu tusaale wanaagsan u soo qaatay guuldarradii 1-0 ee kooxdiisu kala kulantay Arsenal bishii hore ragow, waan fahamsanahay sida kubbadda cagtu tahay, natiijooyinkuna waxay sameeyaan sheeko kasta,” ayuu yiri Amorim

Post a Comment

0 Comments