Maxaa u sabab ah dhaqaale xumida ka jirta suuqyada iyo magaalooyinka Soomaaliya

DHAQAALAHA

Waxaa sanooyiinkii u dambeeyay laga deyrinaya

 a Waxaa sanooyiinkii u dambeeyay laga deyrinaya xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan awoodda wax iibsiga ee shacabkwaxaa aad hoos ugu dhacay awoodda ay dadka u leeyihiin wax iibsiga iyada oo uu yaraaaday dakhliga dadka oo sida la sheegay hoos u dhacay Adan Bakar Cali oo ka mid ah ganacsatada sarrifka lacagaha qalaad ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqii suuqa uu si aad ah u yaraaday waxaa uu xusay in maalinkii ilaa 30 qof oo sarrif doonaysa uu wax u sarifi jiray, balse hadda tiradaasi ay kala bar hoos u dhacday

Dadkii wax iga sarrifan jiray hadda sidii hore

Dadkii wax iga sarrifan jiray hadda sidii hore ma aha way yaraadeen halkii 30 qof ay wax iga sarrifan jireen 10 ama 15 qof ayaa ka soo hartay," ayuu yiri Bakar Bakar ayaa sidoo kale sheegay in suuqa bakaaraha oo inta badan mashquul ahaan jiray xilligan aadan arkayn dad badan oo wax iibsanaya bakaaraha oo kale hadda markaad dhexmartid ciriiri iyo jaam ayuu ahaan jiray, hadda sidii hore oo kale ma aha, dhaqdhaqaaqu wuu iska yar yahay," ayuu intaa ku daray Dhaqaalayahanada ayaa arrintan u aaneyay dhinacyo badan oo xilligan Soomaaliya ka jira

Dr Shaafici shariif Maxamed oo ah cilmi-baare 

Dr Shaafici shariif Maxamed oo ah cilmi-baare dhanka dhaqaalaha ayaa sheegaya in ay jireen dhowr sababood oo hoos u dhigay awooddii wax iibsiga iyo kala socodka dhaqaalaha waxaa ka mid ah waxyaabaha uu xsuay in gobolada qaar oo ay dagaalo ka socdeen mudooyiinkii u dambeeyay, isla markaana badeecooyinka laga qaadi jiray Muqdisho ee tagi jiray gobolada ay hoos u dhaceen midda kowaad dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dalka dagaalo ayaa ka jiray, gobollada ayaana inta badan laga quudiyaa caasimadda oo ganacsiga inta badan Xamar ayuu ka baxaa, marka waxaa yaraaday dadkii gobolada wax geyn jiray, gobolada wixii laga soo qaadi jiray-na way yaraadeen," ayuu yiri Dr Shaafici

Waxaa kale oo uu farta ku fiiqay in uu muddooyiinkii u dambeeyay ay hoos u dhaceen dadkii maalgashan jiray Soomaaliya iyo dadkii qurbaha ka imaan jiray, taasi oo iyana hoos u dhigtay dakhli badan oo ay dalka soo galin jireen waxaa kale oo qeyb ka aha in maadaama ay colaado iyo dagaalo socdeen, ayna jirtay cabsi ah in labada dhinac ay kala awood badin karaan marka ganacsatada maalgalin ma sameynayn, midda kale dadkii qurbaha ka imaan jiray imaanshiyahooda wuu yaraaday,"ayuu intaa ku daray

Post a Comment

0 Comments