Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka
Dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo labDada ay is dhaafsadeen canshuur isku celis ah oo midba midka kale saaray laakiin Shiinaha kama jawaabayo oo kaliya dagaalkan ganacsi iyada oo canshuur celis ah saareysa Maraykanka. Hadda, Shiinaha wuxuu xayiraado kusoo rogay dhoofinta qaar ka mid ah macdanaha 'nadirka' ah, taasoo dharbaaxo weyn ku ah Maraykanka tallaabadan waxay muujinaysaa sida uu Maraykanku ugu tiirsan yahay macdantan waa in la xusuusto in Madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump, uu toddobaadkan amar ku siiyay
Donald Trump, uu toddobaadkan amar ku siiyay Waaxda Ganacsiga in la kordhiyo wax-soo-saarka macdanaha muhiimka ah si loo yareeyo ku-tiirsanaanta Maraykanka ee soo-dejinta macdantan macdanta dhulka naadirka ah waa 17 macdan oo leh sifooyin kiimiko oo isku mid ah oo si weyn loogu isticmaalo tignoolajiyada casriga ah. Macdanahaan ayaa laga soo saaraa waxyaabo kale oo badan oo ay ka mid yihiin talefannada casriga ah, kombayutarada, caafimaadka iyo qalabka difaaca Kuwaas waxaa ka mid ah macdanta scandium, yttrium, lanthanum, cerium, praseodymium, neodymium, promethium, samarium, europium, gadolinium, terbium, dysprosium, holmium, erbium, thulium, ytterbium, iyo lutetium
Waxaa loogu yeeraa naadir sababtoo ah waxaa loo arkaa
Waxaa loogu yeeraa naadir sababtoo ah waxaa loo arkaa mid aan caadi ahayn in laga helo xaaladdooda saafiga ah, laakiin waxaa jira kaydad iyaga ka mid ah oo adduunka oo dhan ah laakiin macdantan dhifka ah ayaa inta badan la socota curiyeyaasha shucaaca sida thorium iyo uranium, iyo qaybo badan oo sun ah waa in la isticmaalo si loo kala saaro, taasoo ka dhigaysa habka soo saarista mid adag oo qaali ah
Thomas Kremer, oo ah maamulaha ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Ginger, ayaa sii sharaxaya: 'Dhammaan waxyaabaha aad shido ama damiso waxay ka samaysan yihiin macdan naadir ah Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Shiinaha wuxuu noqday hoggaamiye caalami ah oo ku takhasusay soo saarista iyo farsamaynta macdanta naadirka ah sida ay sheegayaan qiyaasaha Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), Shiinaha wuxuu soo saaraa ilaa 61% macdanahaan naadirka ah, wuxuuna sidoo kale farsameeyaa 92% ka mid ah
Tani waxay la micno tahay in Shiinuhu gacanta ku hayo qeybtaas ganacsi, isla markaana uu leeyahay awoodda go'aaminta shirkadaha heli kara sahayda macdanahaan waa in la ogaadaa in soo saarista iyo farsamaynta macdantan ay tahay mid aad qaali u ah, isla markaana si weyn u waxyeeleysa deegaanka macdantan naadirka ah sidoo kale waxay ka kooban yihiin walxo shucaac leh (radiation), waana sababta ay dalal badan, oo ay ka mid tahay Midowga Yurub, uga cago-jiidayaan in ay soo saaraan
Marka la soo saaro macdantan, waxa haray waa qashin shucaac leh oo u baahan in si ammaan ah loo tuuro. Hadda, dhammaan xarumaha ay Midowga Yurub haysato arrintan waa kuwo kumeelgaar ah ayuu yidhi Thomas Kremer laakiin Shiinaha si kedis ah uma noqon hoggaamiyaha qeybtaan, balse waa natiijo ka dhalatay siyaasadaha dowladeed iyo maalgashiyo muddo dheer socday intii uu booqasho ku joogay Mongolia sanadkii 1992, hoggaamiyihii Shiinaha ee Deng Xiaoping wuxuu ku faanay hadal ahaa: "Bariga Dhexe wuxuu haystaa saliid, Shiinahana wuxuu haystaa macdanaha naadirka ah
Dhammaadkii qarnigii 20aad, Shiinuhu wuxuu mudnaanta siiyay soo saarista iyo farsamaynta macdanta naadirka ah, xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay in la iska indho-tiro heerarka ilaalinta deegaanka, isla markaana la siiyo shaqaalaha mushaar aad uga yar midka dalalka kale," ayuu yidhi Gavin Harper, khabiir ku takhasusay macdanta naadirka ah oo ka tirsan Jaamacadda Birmingham.
"Tani waxay siisay Shiinaha fursad uu kula tartamo dalalka kale, isla markaana uu sameysto suuq u gaar ah oo uu ka taliyo, laga soo bilaabo qodista, nadiifinta ilaa sameynta badeecooyin sida biraha birlabta ah (magnets
0 Comments