Yaa ka taqaan ciyaarhannada caanka ah ee ku dhintay shilalka

ciyaarhannada

Dunida kubadda cagta waxaa sannado badan

 Dunida kubadda cagta waxaa sannado badan ka dhacay shilal baabuur oo aad u naxdin badan, kuwaas oo galaaftay nolosha dad karti iyo xirfad sare leh waxaa ugu dambeeyay xiddiggii xulka qaranka Portugal iyo kooxda Liverpool Diogo Jota kaas oo isaga iyo walaalkii ay ku dhinteen shil gaadhi oo ka dhacay dalka Spain maalmo uun ka dib markii uu guursaday dhimashadan, oo inta badan lama filaan ah iyo naxdin leh, waxay raad joogto ah ku reebtaa naadiyada, taageerayaasha iyo qarammada ay ka soo jeedaan

Qormadan waxaanu idinku soo gudbin doonnaa

Qormadan waxaanu idinku soo gudbin doonnaa liiska ciyaartoyda caanka ahaa ee ku naf waayey shilalka gawaadhida iyo diyaaradaha Waxaa laga yaabaa in ay ahayd musiibadii cirka ee ugu murugada badnayd ee kubbadda cagta casriga ah markii uu geeriyooday ciyaartoygan ku biiray Cardiff City markii ay burburtay diyaarad yar oo ka soo qaadday Faransiiska 28-jirkan ayaa ku safrayay diyaaradda Piper Malibu oo ka soo duushay Nante

Dalka Faransiiska kuna wajahneyd Wales fiidnimadii

Dalka Faransiiska kuna wajahneyd Wales fiidnimadii January 21 2019 ka hor intii aanay ku dhicin kanaal u dhow Guernsey, sidoo kale waxa la dhintay duuliye David Ibbotson oo 59 jir ahaa, kaas oo aan meydkiisa la helin sala waxa uu xilligaasi ku biirayay horyaalka Premier League-ga iyo Cardiff City markaas oo ay £15 milyan kaga soo iibsatay naadiga Faransiiska ah ee Nantes baadhitaan ayaa lagu sheegay in Sala uu noolaa shilka ka dib balse uu u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray madaxa iyo xabadka

Patrick Mutesa Mafiosango ayaa u ciyaari jiray kooxda Simba iyo xulka qaranka Rwanda ciyaaryahankan caanka ah ayaa 17-kii May 2012 ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay xaafadda Keko ee magaalada Dar es Salaam, maalmo yar ka dib xilli ciyaareedkii 2011/2012 ee Tansaaniya Mainland Premier League oo ay Simba ku qaadday horyaalka mafisango waxa uu jiray 32 sano, waxaanu hore ugu soo ciyaaray kooxaha Simba, TP Mazembe, APR, Atraco iyo Azam

Post a Comment

0 Comments