Waxay dalka Shiinaha ku qaadatay 70 sano
Waxay dalka Shiinaha ku qaadatay 70 sano in uu ka baxa saboolnimada iyo go'doomintii lagu hayay, noqdayna mid kamid ah dalalka aadka u yare e ugu dhaqalaaha fiican adduunka xilligan oo uu dalkaas u debaaldagayo 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii xisbiga shuuciga uu qabtay talada dalkaas, ayaa waxaanu warbixintan ku eegeynaa sida uu isu badalay dhaqaalaha dalkaas iyo caqabadaha ku gedaaman kobaca dhaqaale ee dalka Shiinaha
Markii uu xisbiga shuuciga ee dalka Shiinaha
Markii uu xisbiga shuuciga ee dalka Shiinaha qabtay talada dalkaas, Shiinaha faqiir buu ahaa", sidaas waxaa yiri Chris Leung oo ah nin aqoon u leh dhaqaalaha dalkaas ma jirin dalal ay la ganacsadaan, ma jirin dalal ay xiriir diblomaasi la lahaayeen, waxayna ahaayeen un dad iyaga isku tiirsan 40 kii sano ee la soo dhaafay, Shiinaha wuxuu qaaday tallaabooyin dhowr oo dib u habeyn loogu sameeyay dhaqaalaha dalkaas, isu furnaashaha ganacsiga caalamka, iyo maalgashiga oo si xawli ah uga hirgalay dalkaas, taas oo keentay in malaayiin qof oo u dhashay dalkaas ah ay baahi baxaan
Sanadkii 1950, wuxuu dalkaas u ahaa sanadkii
Sanadkii 1950, wuxuu dalkaas u ahaa sanadkii ugu dhibaatada badneyd , uguna musiibada badneyd qarnigii 20-aad. Mashruucii Great Leap Forward ee uu soo jeediyay hogaamiyihii hore ee dalkaas, Mao Zedong oo ahaa isku day uu Mao ku doonayay in uu warshado badan kaga hirgeliyo dalkaas ayaa guuldareystay, waxaana taas ay keentay inay dhintaan 10-40 milyan o qof intii u dhaxeysay sanadihii 1959-1961 kuwaas oo inta badan u dhintay macluul
Musiibadaas ayaa waxaa xigay carqaladii ku timid dhaqaalaha dalkaas ee ka dhalatay kacdoonkii ka dhacay dalkaas sanadkii 1960, kacdoonkaas oo ahaa olole uu waday hogaamiye Mao, doonayayna in uu kaga takhaluso xisbiga shuuciga, keentayna inay burburaan inta badan adeegyadii bulshada Kadib dhimashadii Mao ee sanadkii 1976, dib u habeyn uu horumuud ka ahaa Deng Xiaoping oo ah hogaamiye hore oo Shiinees ah ayaa ka hirgashay dalkaas, waxaana qorshahaas uu dib u xoojiyay dhaqalaaha dalka Shiinaha
Beeraleyda ayaa waxaa loo oggolaaday inay beero ka sameystaan isla guryaha ay degan yihiin, taas oo sare u qaaday tayada noolasha, yareysayna raashiin la'aantii ka jirtay dalkaas dib u habeyntaas ayaa Shiinaha waxay u horseeday maalgashi dibedda ah, waxaana dib loo unkay xiriirkii diblomaasi ee ka dhexeeyay dalalka Mareykanka iyo Shiinaha sanadkii 1979. Mareykanka ayaa xiligaas waxaa uu diyaar u ahaa in uu dalka Shiinaha ka qaato shaqaale ku shaqeya lacag yar, waxaana ay horseeday in kirada guryaha ay noqdaan raqiis, shacab badan oo Shiines ahna ay helaan dhaqaale badan
Laga soo bilaabo dhamaadkii 1970 iyo wixii ka dambeeyay, waxaanu aragnay wax aan ku tilmamnay mucjisada dhaqaalaha adduunka ee taariikhda inta la arkay," sidaas waxaa yiri says David Mann, oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha caalamka, kana shaqeeya bangiga Standard Chartered Bank sagaashameeyadii, Shiinaha waxaa uu bilaabay in uu aad u xoojiyo wax soo saarka gudaha dalka, oo waxaa uu sanadkii 2001 Shiinaha ku biiray hay'adda ganacsiga adduunka ee WTO
Taas oo markale u horseeday furfurnaasho dhaqaale iyo dalkaas uu la macaamilo dalal badan oo caalamka. Ku biiritaankii WTO, waxay Shiinaha u sahashay in laga yareeyo canshuurtii badneyd ee laga qaadi jiray alaabaha ay dibadda u dhoofiyaan, taa na ay horseeday in badeecaha laga keeno Shiinaha ay tagaan caalamka oo dhan
0 Comments