Hoggoomiye Cali Jeyte oo sharaxaad ka bixiyay sababta uu u tagay magaalada Jigjiga

Hoggoomiye Cali Jeyte

U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha dowladda Soomaaliya

 U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si dareen leh uga sheegay xaflad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan oo uu dhiigbax ku socdo

Hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan oo todobaadkii hore

Hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan oo todobaadkii hore gaaray magaalada Jigjiga ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa aysan booqasho u imaan Jigjiga oo ay ka soo taggeen dad dhiig baxaya, islamarkaana qorshahoodu yahay iney u helaan gurmadka ay u baahan yihiin Booqasho maanan ahayn waxaanu ka soo tagnay dad dhiig baxaya oo xaalad adag ku jira, illaa muddo afar sano ah gaareysa dagaal ku jiray, dad shacab ah oo hal reerna ah, runtii way dadaaleen

Si weyn bayna u dadaaleen, yacni sacrifice bay

Si weyn bayna u dadaaleen, yacni sacrifice bay sameeyeen baa la dhihi karaa, waana walaalihiinoo waad garaneysaan” Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan wuxuu sidoo kale tilmaamay hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya im dadka reer Hiiraan ay muujiyeen doorkooda ku aadan ciribtirka Al-shabaab, islamarkaana haatan waxa kaloya ay u baahan yihiin ay tahay gurmad walaalnimo

Waxaan idiin kula dardaarmayaa waxa dadkaas dhibaato haysta, sidii aad gacan uga gaysan lahaydeen inaad gacan uga gaysataan, idiinkuna aad ka taxadartaan shacab ahaan ama reer ahaanta aad hadda halkan ku fadhisaan inaad nabadgelyada ka shaqeysaan oo aad dowladdiina kala shaqeysaan.” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan

Cali Jeyte ayaa dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyay qaabilaadda ay u sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay gacan uga gaystaan la dagaalanka maleeshiyada Al-shabaab, isagoo xusay in horeyna ay u taageereen, hadana ay diyaar u yihiin in taageero kale inay siiyaan dadka reer Hiiraan

Sagaalkii bishaan July ayaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay saanad ciidan ku wareejiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka, waxaana hubkaas iyo saanada ciidan ugu talagaleen ciidamada la dagaalamaya beesha Xawaadlle ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada

Ugu dambeyntii guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah indhaha ugu wada haaya natiijada kasoo bixi doonto kulamo uu ka wado hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya labadii todobaad ee u dambeysay gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Post a Comment

0 Comments