Madaxa-fulinta Shirkad Tiknaloojiyad Maraykan ah oo shaqadii looga joojiyay ka dib Muuqaal baahay isaga oo haweenay ku duuban

Madaxa-fulinta Shirkad Tiknaloojiyad

Shirkad Tiknaloojiyada Maraykanka ayaa beddeshay

 Shirkad Tiknaloojiyada Maraykanka ayaa beddeshay madaxeedii fulinta oo fasax la galiyay, ka dib markii uu ka soo muuqday Shaashada bandhiga Coldplay oo la isla dhex maray labo ka mid ah shaqaalaha shirkada ay ku lug yeesheen, taasi oo noqotay mid si weyn u baahday qayb yar oo ka mid ah muuqaalka shaashada Bandhiga Boston, waxaa laga arkay labo qof oo gacmahooda uu midba midka kale ku haysto. Markii wajiyadooda ay soo muuqdeen ninka iyo haweeneyda si lama filaan ah ayay u kala boodeen, waxaana ay iska qariyeen kaamirada

Warbixinada ayaa sheegaya labadaba ay ku jiraan

Warbixinada ayaa sheegaya labadaba ay ku jiraan qaybta fulinta shirkadda Astronomer, waxaana jiray warar la isla dhexmaray oo ah inay xiriir lahaayeen oo uu ku shaaciyay hadal hogaamiyaha bandhiga markii uu sheegay ka dib ay noqotay mid Internet-ka ku baahda. Xilli dambe oo Jimcihii ah, shirkadda ayaa xaqiijisay iyada sii maraysay barta X in madaxii fulinta ee shirkadda Andy Bayron fasax la galiyay

Muqaalka labada qof ee ku ciyaaraya muusikada

Muqaalka labada qof ee ku ciyaaraya muusikada ayaa ka dib si dhakhso ah la arkayay iyaga oo isku dayaya inay is qariyaan, waxaana is qabsaday Internate-ka, ka dib markii uu soo dhamaaday bandhiga habeenkii Arbacada Chris Martin, hogaamiyaha heesaaga ee Coldplay ayaa markii uu arkay labada qof ee is qarinaya u sheegay dadkii kasoo qayb galay bandhiga; "Ama waxa ay leeyihiin xiriir, ama waa kuwo xishoonaya

Muuqaalka bilowga ah ee la soo dhigay Tiktok ayaa helay malaayiin qof oo soo booqday. Ka dib waxaa lagu sii baahiyay dhammaan baraha kale ee bulshada, taasi oo keentay in laga sameeyo shactirooyin barnaamijyada taleefishinada labo maalin uun ka dib markii uu Internet ka qabsaday labada qof ee wada ciyaarayay, shirkadda Astronomer ayaa soo saartay baayaan la xiriira baaritaanka arrintan iyada oo aan si gaar ah u xusin muuqaalka

Astronomer waxaa ay ku taagan tahay heerka iyo dhaqanka ee na hogaaminayay tan iyo aasaaskeenii, hogaamiyayaasheena waxaa laga filayaa inay ku taagnaadaan labada heer dhaqanka iyo la xisaabtanka. Guddiga agaasimayaasha waxaa ay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo xaaladdan ah, waxaana samayn doonaa in aan faahfaahino dheer ah oo aan la wadaagno soo gudbino wakhti dhow madaxa wax soo saarka, ahna mid kamid ah aasaasayaasha Pete DeJoy ayaa loo magacaabay madaxa fulinta si kumeel gaar ah

Ninka ka soo muuqday muuqaalka la isla dhexmaray ayaa dhowr warbixinood oo kala duwan ay muujinayaan inuu yahay madaxfulinta Astronomer Andy Bayron, kaasi oo la shaqaynayay shirkadda tan iyo Luulyo 2023. Byron nafsad ahaantiisa kuma xaqiijin aqoonsigiisa muuqaalka haweeneyda ayaa internet ka loogu aqoonsaday Kristin Cabot, oo ah madaxa xafiiska dadweynaha ayaa la shaqaynaysay shirkadda Astronomer tan iyo bishii November 2024. Weli ma xaqiijin iyaduna aqoonsigeeda

Bayaanka Astronomer ayaa intaa ku daray in Byron uusan soo saarin wax bayaan ah oo shakhsiyeed, ayna yihiin warbixinada dhanka kale sheegaya kuwo aan sax ahayn. Waxaa kale oo la sheegay in aysan jirin shaqaale kale oo kasoo muuqday muuqaalka bayaanada been abuurka ah ee ka imaanaya Byron ayaa aad u baahay Khamiistii

Post a Comment

2 Comments

  1. gaaladu dhaqan iyo diin celineysa ma lahan

    ReplyDelete
  2. Astronomer waxaa ay ku taagan tahay heerka iyo dhaqanka ee na hogaaminayay tan iyo aasaaskeenii

    ReplyDelete