Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal cirka ah
Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal cirka ah oo ka dhacay dooxada Baalade ee buuraha Cal Miskaad lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana la xaqiijiyay in la dilay bartilmaameedkii ugu weynaa warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday saraakiil sar-sare oo uu ku jiro ku-xigeenka amiirka guud ee Daacish, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, kaas oo ku dhuumaaleysanayay buuraleyda Cal Miskaad
Sarkaal ka tirsan Puntland, Axmed Cabdullaahi Sheekh
Sarkaal ka tirsan Puntland, Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ka mid ah la-taliyeyaasha howlgallada cirka ah, ayaa sheegay in duqeyntan ay fuliyeen ciidamo Maraykan ah. Wuxuu xusay in Maraykanku si joogto ah u garab taagan yahay dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada Duqeyntan ayaa qeyb ka ah wajigii ugu dambeeyay ee Howlgalka Hilaac (Lightning Operation), iyadoo Puntland ay sheegtay in iskaashiga ay la leedahay ciidamada Maraykanka uu si cad u miro-dhalay
Sida ay tilmaameen saraakiisha Puntland,
Sida ay tilmaameen saraakiisha Puntland, ilaa 85% hoggaankii sare ee Daacish ee ku sugan Puntland ayaa la burburiyay tan iyo markii uu howlgalkan bilowday saraakiisha sare ee la dilay ayaa lagu tilmaamay kuwo door muhiim ah ku lahaa hannaanka maamulka iyo hawlgalada kooxda Daacish
0 Comments