Hirshabeelle oo maanta Balcad ku qabatay doorashada maamulka degmadaas

Hirshabeelle

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabatay doorashada gudoomiyaha Iyo gudoomiye ku xigeenada degmadaas xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balcad ayaa u doortay gudoomiyaha degmada ahna duqa degmada Balcad u doortay Qaasim Cali Nuur

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee degmada ayaa sidoo kale loo doortay Ismaaciil Barre Nuur, halka gudoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Axmed Maxamed Cabdullaahi munaasabada doorashada maanta ka dhacday degmada Balcad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Horshabeelle oo uu ugu horeeyay  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cabdi Daahir Guure Karoore

Wasiir Karoore ayaa doorashada kadib

Wasiir Karoore ayaa doorashada kadib uga mahadceliyay shacabka ku nool degmadaas doorkii ay kasoo qaateen geedi socodka dhismaha Golaha deegaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ugu dambeyntii doorashadaan maanta Hirshabeelle ku qabatay degmada Balcad ayaa waxaa si adag uga horyimid Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar, Cali Balcad

Kaasoo ku eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe inuu jabiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhigayay in dalka ay kawada qabsoonto doorasho toos ah

Post a Comment

0 Comments