Capello Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Real Madrid Oo Ku Guulaysan Doona Abaalmarinta Ballon d’Or.

Capello

Tababarihii hore ee Real Madrid, Fabio Capello

 Tababarihii hore ee Real Madrid, Fabio Capello ayaa magacaabay seddex ciyaaryahan oo Los Blancos ah kuwaas oo mustaqbalka ku guuleysan kara Ballon d’Or tababaraha reer Talyaani ayaa sheegay in Vinicius Junior, Kylian Mbappe iyo Jude Bellingham ay suurtogal tahay inay  ku guulaystaan abaalmarinta

Saddexda ciyaaryahan ayaa wacdaro dhigayay

Saddexda ciyaaryahan ayaa wacdaro dhigayay tan iyo markii ay ku soo biireen Real Madrid, waxaana ay sidoo kale ku jireen tartanka abaalmarinta shaqsiga ugu sareysa dhowrkii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay sannadkii hore, Vinicius, Bellingham iyo Mbappe ayaa ku dhammaystay lixda qiimaynta ugu sarreeya ee Ballon d’Or

Sanadkan ayaa sidoo kale la filayaa inay

Sanadkan ayaa sidoo kale la filayaa inay ka mid noqdaan tartamayaasha u tartamaya Ballon d’Or isagoo la hadlaya Gazzetta dello Sport (via AS h/t Madrid Universal), Capello wuxuu yiri: “Vinicius, Mbappe, iyo Bellingham waa seddexda ku guuleysan kara Ballon d’Or

Ku guuleystaha Ballon d’Or 2025 ayaa lagu dhawaaqi doonaa bisha Sebtember, waxaana la filayaa in xiddigaha Lamine Yamal, Ousmane Dembele, Vitinha, Raphinha iyo Mohamed Salah ay la tartamaan xiddigaha Real Madrid abaalmarinta shaqsiga ugu sarreeya

Post a Comment

0 Comments