Shiinaha iyo Mareykanka oo xaqiijiyay heshiis ku saabsan qaabka ganacsiga

Shiinaha iyo Mareykanka

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa Jimcihii

 Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in Beijing iyo Washington ay xaqiijiyeen faahfaahinta qaab dhismeedka heshiiska ganacsiga ee labada dal ay ku heshiiyeen horraantii bishan ka dib wadahadalladii London sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda

Washington waxay qaadi doontaa “tallaabooyin

Washington waxay qaadi doontaa “tallaabooyin xaddidan oo ka dhan ah Shiinaha,” Beijing waxay “dib u eegi doontaa oo ansixi doontaa codsiyada alaabta xakamaynta dhoofinta gelinkii dambe ee Khamiista, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen heshiis ganacsi, waxaana uu rajeynayaa inuu dhawaan heshiis la gaaro Hindiya

Dhanka kale, Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka

Dhanka kale, Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka Howard Lutnick ayaa u sheegay Bloomberg TV in heshiiska uu “saxiixay” laba maalmood kahor. Ma jiro wax tafaasiil ah oo ku saabsan heshiiska oo ay bixiyeen Lutnick iyo Trump midkoodna madaxweynuhu wuxuu jecel yahay in heshiis la gaaro,” Lutnick ayaa yidhi. Sidoo kale Khamiistii, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu Shiinaha la gaaray heshiis ku saabsan 

Sidii loo dedejin lahaa shixnadaha macdanta dhulka ee dhifka ah ee loo dhoofiyo Mareykanka xaqiijinta sahayda macdanta dhulka ee laga maarmaanka u ah alaabada ay kamid yihiin sameynta gawaarida korontada, iyo qalabka difaaca, ayaa ahayd mudnaanta koowaad ee Washington wadahadalada Shiinaha

Jimcihii, Beijing waxay sidoo kale ku dhawaaqday in Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi uu u safri doono Yurub toddobaadka soo socda si uu ula kulmo dhiggiisa Midowga Yurub, Jarmalka, iyo Faransiiska

Kadib canshuurihii uu Trump kusoo rogay ganacsiga caalamka, Shiinaha ayaa dardar geliyey heshiisyada uu la galayo dalalka kale ee caalamka gaar ahaan Yurub, taasi oo go’adoon ganacsi gelisay Mareykanka

Post a Comment

0 Comments