Inter Milan ayaa aaminsan in ay horumar
Inter Milan ayaa aaminsan in ay horumar ka samaysay dadaalka ay kula soo saxiixanayso Rasmus Hojlund oo ka tirsan Manchester United iyadoo weeraryahanka uu isku diyaarinayo inuu ku laabto Italy xagaagan Hojlund, ayaa 72 milyan ugu soo biiray Man United sanad ka hor laakiin waxa uu ka mid yahay xiddigaha laga yaabo in la iibiyo suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddiga reer Denmark ayaa 16 gool u dhaliyay
Xiddiga reer Denmark ayaa 16 gool u dhaliyay Man United xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay laakiin si weyn ayuu u dhibaatoonayaa xilli ciyaareedkan iyadoo Juventus iyo Napoli ay sidoo kale xiiseynayeen toddobaadyadii la soo dhaafay, Inter ayaa talaabo u qaaday saxiixa xiddiga 22 sano jirka ah
Gazzetta dello Sport ayaa ku warameysa in agaasimaha
Gazzetta dello Sport ayaa ku warameysa in agaasimaha ciyaaraha Inter Piero Ausilio uu todobaadkan ku sugnaa magaalada London halkaas oo uu sidoo kale wadahadalo kula yeeshay milkiilayaasha kooxda dadaaladii lagu doonayay in Cesc Fabregas uu ku yimaado kooxda si uu ugu badalo Simone Inzaghi.
Laakiin safarka ayaa kooxda ku arkay horumar ay ku doonayaan saxiixa Hojlund ka dib wadahadalo ay la yeesheen United
0 Comments