Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si ku tagrifal ah u adeegsanayso awoodaha federaalka si ay u cadaadiso dowlad-goboleedyada ka aragtida ka duwan labada madaxweyne oo saakay war-murtiyeed ka soo saaray magaalada Garowe, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay
Si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada
Si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo ku saabsan qeybsiga kheyraadka dalka Puntland Puntland iyo Jubbaland waxay si gaar ah uga cawdeen maamulka hawada Soomaaliya
Iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka
Iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay si sharci-darro ah ugu takri-fashay awoodaha maamulka hawada waxay intaa ku dareen inay cabashadooda si rasmi ah ugu gudbiyeen hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan arrimaha duulista rayidka ah
Deni iyo Axmed Madoobe waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, iyagoo ku adkaystay in isbeddel kasta uu ku imaan karo oo kaliya wadatashi iyo heshiis qaran. Waxay soo dhoweeyeen dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ee Soomaaliya
Ugu dambeyntii, labada madaxweyne waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya inuu ixtiraamo dastuurka lagu heshiiyay, isla markaana dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay. Waxay sidoo kale sheegeen in haddii arrimahaasi la waayo, Puntland iyo Jubbaland ay ku dhaqmi doonaan awoodaha uu siinayo dastuuradooda u gaarka ah
0 Comments