Chelse Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mike Maignan

Chelse

Chelsea ayaa ugu dambeyntii go’aansatay

 Chelsea ayaa ugu dambeyntii go’aansatay inaysan la soo saxiixan goolhaye Mike Maignan oo ka tirsan AC Milan suuqa kala iibsiga ee xaggaagan sida laga soo xigtay Sky Sports News wararkii Chelsea la xidhiidhinayay Maignan ayaa soo dhamaaday iyadoo Blues ay haatan heysato afar goolhaye Robert Sanchez, Filip Jorgensen, Djordje Petrovic iyo Mike Penders

Wararka ayaa intaa ku daraya in laba goolhaye

Wararka ayaa intaa ku daraya in laba goolhaye ay xagaagan ka tagi doonaan kooxda chelsea iyaga oo raadinaya wakhti ay si joogto ah u ciyaaraan mid ka mid ah goolhayayaasha ayaa amaah ku tagi doona kooxda ka ciyaarta horyaalka France ee Strasbourg mid kalena waa la iibin doonaa xagaagan

Chelsea ayaa loo soo bandhigay Maignan

Chelsea ayaa loo soo bandhigay Maignan laakiin waxa ay ka baxday heshiis macquul ah ka hor inta uusan furmin suuqan xagaaga Kooxda ka dhisan galbeedka London ee Premier League ayaan wax dalab ah ka gudbin xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska

Si kastaba ha ahaatee, sida ay wax u socdaan waxaa jirta fursad yar oo ay kula soo saxiixan karaan goolhaye kale

Post a Comment

0 Comments