Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in howlgalkiisa cusub
Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in howlgalkiisa cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya – AUSSOM (AU Support and Stabilisation Mission in Somalia) – uu si buuxda u hawlgalo bisha Luulyo 2025, isagoo beddelaya ATMIS oo muddo xileedkiisii dhamaaday 1-dii Janaayo 2025 howlgalka cusub ayaa noqonaya wajiga saddexaad ee dadaallada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya
Waxaana uu xoogga saarayaa hoggaaminta Soomaaliyeed
Waxaana uu xoogga saarayaa hoggaaminta Soomaaliyeed, taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya, wiiqidda kooxda Al-Shabaab, xasilinta deegaannada laga xoreeyo Alshabaab, iyo diyaarinta Soomaaliya in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka marka la gaaro December 2029
Midowga Afrika ayaa bishii Juun la galay Heshiis
Midowga Afrika ayaa bishii Juun la galay Heshiis Isfaham dalalka ciidamada iyo booliska ka qeybgelinaya howlgalka, kuwaas oo kala ah: Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, Nigeria iyo Uganda. Waddamadaas ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona dhinacyada amni iyo hawlgal, iyagoo keeni doona ciidan iyo taageero istiraatiiji ah.
Waxa lagu heshiiyay in heshiisyadaas isfahamka ah loo gudbiyo xafiiska sharciyeynta Midowga Afrika, ka hor inta aan si rasmi ah loo saxiixin. Wadahadalladan waxay daba socdaan shirar farsamo oo hore uga dhacay Addis Ababa iyo Kampala, kuwaas oo lagu dejiyay khariidadda hawlgalka cusub

AUSSOM waxaa loo oggolaaday in uu yeesho ilaa 12,000 oo askari, oo ay ku jiraan 680 boolis ah, balse qorshuhu waa in tiradan la yareeyo dhammaadka sanadka 2025.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalka AUSSOM wuxuu wajahaya dhibaato dhaqaale oo halis ah. Intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun 2025, howlgalka wuxuu u baahnaa $90.4 milyan, hase yeeshee waxaa la helay kaliya $16.7 milyan, taas oo keenaysa hoos u dhac dhan $73.7 milyan.
Dhaqaalaha howlgalka ayaa lagu talinayaa in lagu daboolo nidaam cusub oo isku dhafan, oo oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda sanadlaha ah lagu bixiyo lacagaha UN-ka ee waddamada xubnaha ka ah laga ururiyo, iyadoo laga bilaabayo 1-da Luulyo 2025, sida ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM (2719/2023)

Si kastaba, hirgelinta nidaamkan cusub waxay ku xirnayd go’aan laga gaaro ka hor 15-ka Maajo 2025, taas oo weli su’aalo la iska weydiinayo, iyadoo aysan jirin taageero dhaqaale oo muuqata oo howlgalka lasoo gaarsiiyay ilaa iyo hadda
AUSSOM waxay hawlgalkan bilaabaysaa iyadoo Al-Shabaab ay qaadayso weerarro isdaba joog ah oo ay dhul cusub ku qabsatay, taasoo keentay in shirkii dalalka ciidamada keena ee ka dhacay Uganda bishii Abriil 2025, lagu codsado in la kordhiyo ciidamada howlgalka ilaa 8,000 askari oo dheeraad ah.
0 Comments