Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in howlgal culus
Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in howlgal culus oo ka dhacay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku burburisay xarumo ay Al shabaab ku keydsanaayeen hubka warbaahinta Dowladda ayaa kusoo warantay in Howlgalka uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal
Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay
Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay labo xarumood oo Al shabaab ay u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamay in goobaha kale ee la bartilmaamaysaday ay qeyb ka yihiin gonad waa weyn ay kooxda ka qoteen degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday
Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah sida warbaahinta Dowladdu ay kusoo warantay
Dowladda ma aysan bixinin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ee howlgalkaasi ka dhashay dhowaaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Dowladda Howlgal gaar ah oo ay Degmadaan ka fulisay kuna dishay ilaa 20 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab
Dowladda Soomaaliya waxa ay markale isku dayeeysaa inay kala wareegto Al shabaab degmada Aadan Yabaal oo ah degmo istiraatiji ah oo horey gacanta Dowladda uga baxday waxaana si weyn looga maamuli jiray howlgallada Al shabaab ee Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud
0 Comments