Bessent oo sheegay inay horumar ka gaadheen wadahadallada Shiinaha iyo Maraykanka ee ka socda Jineefa

Shiinaha iyo Maraykanka

Mareykanka iyo Shiinaha la sheegay inay gaareen

 Mareykanka iyo Shiinaha la sheegay inay gaareen “horumar weyn” kadib laba maalmood oo wadahadallo ah oo ka dhacay Switzerland, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in lagu dejiyo dagaalka ganacsi. Sidaas waxaa Axaddii sheegay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent iyo Wakiilka Ganacsiga ee Mareykanka Jamieson Greer. Waxay sheegeen inay faahfaahin dheeri ah shaacin doonaan Isniinta

Warbixintan ayaa timid kadib saacado kulammo ah 

Warbixintan ayaa timid kadib saacado kulammo ah oo dhexmaray Bessent, Greer iyo Raiisul Wasaare ku xigeenka Shiinaha He Lifeng. Wadahadalladan waxaa martigeliyay safiirka Switzerland u fadhiya Qaramada Midoobay, waxaana lagu qabtay gurigiisa, kaas oo loo adeegsaday goobta shirarka labada dal

Xiisadda u dhaxeysa labada dhaqaale ee ugu waaweyn

Xiisadda u dhaxeysa labada dhaqaale ee ugu waaweyn dunida ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay kadib markii Madaxweyne Donald Trump si isdabajoog ah ugu kordhiyay cashuuraha la saaray badeecadaha Shiinaha ilaa ay gaareen 145%. Canshuurahaas waxaa lagu micneeyay in lagu wajahayo doorka Shiinaha ee ganacsiga fentanyl-ka, xad-dhaafka ganacsi ee uu Shiinuhu la leeyahay Mareykanka, iyo inuu ka jawaabo tallaabooyinka aargudashada ah ee Shiinaha qaaday kadib markii Trump bilaabay weerarka ganacsi

Shiinaha isna wuxuu cashuuraha uu ku kordhiyay alaabaha Mareykanka ka dhigay ilaa 125%. Isku-daygan is-canshuuraynta ayaa sababay is-hor-taag u dhexeeya labada awood dhaqaale ee dunida ugu weyn, iyadoo aysan midna doonayn inay ka laabato mowqifkeeda, lagana waayay xal muuqda

Ugu dambayn, labada dhinac waxay qireen in hoos u dhigista xiisadda iyo cashuuraha ay tahay mid lagama maarmaan ah, waxaana si rasmi ah loo shaaciyay in la gu heshiin doono wadahadallada socda

Cabsi laga qabo in dukaamadu ay faaruqaa ayaa laga yaabaa inay keentay deg-degga shirkan. Madaxweyne Trump iyo kooxdiisa dhaqaalaha ayaa helay codsiyo ka yimid madaxda dukaamada waaweyn, kuwaas oo uga digay in cashuuraha sare ee sii socda ay keeni doonaan baahi heer sicirbarar ah iyo jahawareer silsiladda sahayda ku yimaadda

Post a Comment

0 Comments