Rodrygo Oo Heegan Galiyay Arsenal, Maxaa Soo Kordhay.

Rodrygo

Maqnaanshaha xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes

 Maqnaanshaha xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes oo ka maqan kooxda Real Madrid ee kulanka Pachuca ee wareega 2-aad ee wareega Group-yada koobka kooxaha adduunka ayaa dhalisay su’aalo badan gaar ahaan tan iyo markii uu ku soo bilowday kulankii furitaanka ee Al Hilal

Marca ayaa warinaysa in ka maqnaanshiyaha

Marca ayaa warinaysa in ka maqnaanshiyaha Rodrygo ee kulankii Pachuca ay ahayd wax lala yaabo, gaar ahaan marka la eego in tababaruhu uu hore ugu ansixiyay kulankii ugu horeeyay inkastoo uusan tababaruhu wax sharraxaad ah ka bixin sababta uusan hal daqiiqo u ciyaarin ciyaarta

Haddana tani waxay sii kordhisay hubanti la’aanta

Haddana tani waxay sii kordhisay hubanti la’aanta ku hareeraysan mustaqbalkiisa kooxda warbixino badan ayaa tilmaamaya in Rodrygo uu dareemayo degenaansho la’aan kooxda dhexdeeda ah, iyo inuu dareemayo inaan la mahadin marka loo eego Vinicius, Mbappé, iyo Bellingham

Kooxo dhowr ah ayaa xiiseynaya saxiixa Rodrygo gaar ahaan Arsenal, Manchester City, iyo Bayern Munich

Post a Comment

0 Comments